Xaqiiqo Nolosha ah

1. Si kastoo aad u xoog badan tahay, Naftaada uma xambaari doontid Qabriga!!

2. Si kastoo aad u qurux badan tahay, xayawaanka kuwooda u foolxun sida gorillas iyo baboon xitaa Dalxiislayaal bay soo jiitaan

3. Si kastoo aad u dheertahay, Marnaba ma arki kartid Beri

4. Si kastoo aad Taajir u tahay, Gawaari badana u leedahay, Had & jeer waad u lugeynaysaa suuliga

5. Si kastoo aad Dhalashadaada ugu dabaal-degto, dhanka kale, waxaa soo dhowaanaya dhimashadaadi! Sanad ayaa cimrigaagi ka sii go’ay!

6. Si kastoo fursad wacan & waqtigoo ku saaciday kuu cajabiyaan dadkana aad ku tumato, Hubaal mar aadan tabar hayn baad talada heli doontaa.

7. Si kastoo aad Jirkaaga u cadeyso, una iftiimiso had & jeer waxaad mugdiga u baahanaysaa iftiin.

8. Si kastoo aad isaga dhaadhiciso asxaab shidan qosol & farxad la qaado, ogsoonow markaad ooyayso xitaa ilinta ma jecla inay kula joogto, way kaa soo qubaneysaa.

Inta yar aad Noloshan gaaban ku nooshahay, u soco si tartiib ah, u noolow si fudud, Samee Wanaag, Rabigaa ka baq, U shaqeyso daarta dambe.

W/Q: Farax Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *