Waxaa Xaqiiqo Ah…..

Marka uu burbur ku dhaco ummadaha, kharaabka guryaha, ganacsiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ku dhaca, waxaa ka xun burburka dhinacyada nolosha oo dhan saameeya.

Waxaa burbura anshaxa iyo akhlaaqiyaadka, waxaa hoos u dhaca hab fikirka iyo awoodda tuujinta maskaxda, waxaana luma jiheeya uu qofku ku kala garto tubta saxan iyo qallooca.

Maanta dalkeenna qofna ma diidi karo in burbur uu ku dhacay; mihnaddii caafimaadka oo dadka qaar aan anshax iyo aqoon u lahayni ay ka shaqeeyaan, sida oo kale hal-abuurkii iyo sugaanyahankii oo maanta abwaanno iyo fannaaniin shilimaad ku qaata majara habaabinta bulshada iyo daboolista foolxumooyinka ama faafiyaba ayaa buuxa.

Waxaa la mid ah askarinimadii, macalinnimadii, Wadaadnimadii, ganacsatadii iyo siyaasinimadii. Dhinac kasta oo la eego, waxaa fadhida aqoondarro, waayoaragnimo la’aan, anshax xumo, faham la’aan iyo hunguri. Xitaa shaqaalihii xafiisyada qaranka iyo kuwa madaxabannaan ayaa aynu ka dheregsannay xaalkooda.

Haddii weriye xumi dhibaato abuuri karo, dhakhtar xun baa maalin kasta dadkeenna si dayacaad ah u dila, Macalin xunbaa ubadkii barbaarintii ka kharriba, wadaad xun baa xaqii candadawla, siyaasi xun baa masiirkii umadda ku tunta oo dhiig daadiya, Garsoore xunbaa dulmiga naaxiya, shaqaale xun oo xafiis fadhiya ayaa dawladnimadii curyaamiya .. Adigu sii wad uun oo ma dhammaanayso ee ha daalin ….!!

Sida ay meelahaas aynu xusnay ay u joogaan dad kale oo fiican, aqoonna u lihi u joogaan, ayaanay saxaafaddana dad fiican oo aqoon u lihi u joogaan.

Markaas waa in aynu garawsanno in dhan waliba aynu dhaliil ku leennahay, kaddibna aynu dhexda u xidhanno in inta fiican aynu dhiirrigelinno, inta leexsan aynu toosinno, inta liidata aynu kobcinno, inta aan laylyamaynna bannaanka ka dhigno mihnadda iyo shaqada ay umadda u hayso. LAAKIIN IYADA OO AYNU DHAMMAANTEEN BANNAAN FADHINNO, YEYNAAN FARAHA ISKU FIIQFIIQIN!!!

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *