Xanuunnada Maskaxeed Ee Laga Qaado Shukaansiga Internet-ka

Tiknoolajiyaddu waxay bedeshahay qaabkii dadku ay isku baran jireen, ama jaceyl u heli jireen. Sannadihii u dambeeyay shukaansigu internet-ku aad ayuu u kordhay, loo aqbaqalay sida inuu yahay aalad dadka isku xirta waxaana lammaaneyaal badan oo isku guursada xiriirka noocaas ah.

 In kastoo haasaawaha internert-ku uu leeyahay faa’idooyin haddana waxaa jira dhibaayooyin maskaxeed oo uu keeno.

Aqbalaad la’aanta:

Aqbalaad la’aanta ama cabsida aqbalaad la’aanta aad ayay ugu badan tahay shukaansiga internet-ka. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in dadka isticmaala baraha shukaansiga ee internet-ka aysan ka jawaabin 50% fariimaha loo diro. Waxaa la aaminsan yahay qofka fariinta diray hadaan lagu soo warceli inuu u qaadanayo in la iska indha tiray ama la aqbali waayay taas ku beeraysa  walwal iyo niyad jab.

Xanuunka aqbalaad la’aanta wuu ka darnaan karaa xanuunka jirka. Xanuunka jirka wuxuu qofka kaga tegi nabarro jireed, balse aqbalaad la’aantu waxay qofka kaga tagtaa nabarro maskaxeed.

Cabsida qofka in la aqbali waayo waxay qofka ku keentaa bulshada oo dhan ka go’o shukaansigana iska daayo, niyad jabna u uku dhaco iyo xanuunno nafsiyan ah.

Xiriir jarista:

Xiriir jarista waa loola jeedaa qofka oo si lama filaan ah xiriirka kuugu gooya isagoo aan kuu digin kuuna sheegin sababta ama qofka oo marka aad ku balantaan inaad kulantaan la waayo. Xaaladaan xiriir jarista aad ayay ugu badan tahay shukaansiga online-ka ah, waxayna dhaawici kartaa fayowqabka maskaxda.

Dadka la kulma xaaladaan xiriir jarista, waxay ku abuuri kartaa niyad jab, waxayna keeni kartaa inay ka quustaan shukaansiga iyo jaceylka.

Isqarinta iyo khiyaanada:

Ka hor inta aysan soo bixin shabakadaha Tinder, facebook iyo kuwa la midka ah ee la iska shukaansado, dadka isla haasawaya si toos ah ayay u kulmi jireen sida inay goobta shaqada isku bartaan, ama dad asxaab ah ama qaraabada ah ay isbaraan, ama xafladaha sida aroosyada ayaa la isku baran jiray. Xiriirkoodu waxa uu lahaa tiirar si jiray taas oo labada qof siinaysay kalsooni.

Nasiib darro shukaansiga internet-ka ma lahan tiirarkaas. Qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala shabakadaha la iska shukaansado, way isaqriyaan, wayna khiyaano badan yihiin. Waxay ka been sheegaan muuqaalkooda, da’da, xirfadooda iyo ujeedadooda.

Khiyaamadu waxay dhaawici kartaa caafimaadka maskaxda, taas oo qofka u horseedi karta walwal, murugo, jahawareer, inuu dadka aamini waayo, naftiisa inuu ka shakiyo.

Kalinimo iyo han-yari:

Qofka oo dhacdooyin taban kala kulma shukaansiga internet-ka sida xiriir jarista lama filaanka ah iyo khiyaanada waxay qofka uu horseeda inuu su’aalo iska weydiiyo sifooyinkiisa jireed, xirfadiihiisa xiriirka inuu u heli karo qof uu u qalmo oo ay isla haasaawaan.

Cilmibaaris ayay samaysay Jaamacadda waqooyiga Texas ayaa lagu arkay in dadka isticmaala shabakadda Tinder ay u nugul yihiin xaaladaha nafsiga ah sida niyad jabka, walwalka iyo isku buuqa marka loo barbardhigo dadka aan isticmaalin shabakadaas. Baraha shukaansiga internet-ka waxay ka qayb qaataan dareemada rajo la’aanta iyo cidlada.

Talo:

Inkastoo shukaansiga internet-ka uu khasaarooyin badan yahay hadanna waxa uu leeyahay faa’idooyin, waxa uu kaa caawin karaa inaad ka barato dad cusub, xiriiro wanaagsanna aad ka samaysato. Ka hor intaadan bilaabin shukaansiga internet-ka akhriso talooyinkan:

-Weydii naftaada inaad diyaar u tahay haasaawaha internet-ka iyo inkale, ma u adkeysan kartaa xanuunka inuu ku diido qof aad ka heshay? Haddii aad ku jawaabto “haa”, ku soco, haddii se jawaabtaadu ay tahay “maya” ha isku bilaabin shukaansiga internet-ka.

-Xadid waqtiga aad ku bixinayso apps-ka la iska shukaansado. Tani aad ayay kuu caawinaysaa mustaqbalka fog.

-Ku dedaal inaad dhakhso u kulantaan qofka aad la bilowday xiriirka si aad ogaato inaad isku qalantaan iyo inkale.

-Ku dedaal niyad wanaagga iyo daacadnimada, hadddii aad dareemayso dareen taban, ha isku gelin app-ka, sababtoo tani waxay hoos u dhigaysaa fursadda wadasheekaysiga fiican ee macnaha leh. Haddii qof uu diido inuu kula hadlo ha aflagaadaynin hana fowdaynin.

-Markasta xuduud lahow ha noqoto shukaansiga dhanka internet-ka ah ama kan tooska ah. Xad lahow haddii aad doonayso xiriir wanaagsan oo caafimaad leh mustqabalka. Ha jiro khad cagaaran oo aan la gudbi Karin oo idiin dhexeeya adiga iyo qofka aad xiriirka wadaagaysaan. Ha noqonin bug iska furan. Xuduudu waxay ilaalinaysaa caafimaadka maskaxeed iyo kan nafsadeed.

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *