Shukaansiga Qof Kugu Cusub: 3 Qodob oo Muhiim Ah

Weli ma isku aragtay dareen cabsi, walwal iyo xiiso isku jira oo aad dareento marka aad xiriir la bilaabayso qof aad ka heshay adigoo ka baqaya inaad ku fashilanto xiriirka? Kaligaa ma ahan, waa xaalad dad badani ay isku arkaan.

Walwalka xiriirka cusub waxa uu yareyn karaa farxadaada, waxaana uu keenaa cadaadis aan loo baahnayn. Hadaba si uusan kaaga fashilmin xiriirkaaga cusub, waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo ku anfacaya xilliga shukaansiga qof kugu cusub.

Haka hadlin wixii tagey:

Inaad ka sheekayso xiriiradadii hore ee kaa xumaaday xilliga shukaansiga qof kugu cusub, waa khalad wayn oo lagu dhaco. Iska ilaali inaad wax walba u sheegto qofkaan aad isku cusub tihiin, taas beddelkeeda sheekadaada iyo fikiradahaagu ha daarranaadaan sidii aad ku baran lahayd qofkaan aad hadda la haasaawayso. Xiriiradii hore sir hakuu ahaadaan.

Sida oo kale, ha weeydiinin suaalo ku saabsan xiriiradii hore ee qofkan aad la sheekaynayso.

Si fiican u dhageyso:

Dhageysigu waa xirfad aysan dadka badankoodu aysan ku wanaagsanayn. Marka qofka aad isku cusub tihiin aad dhugmadaada oo dhan wada siiso, waxa uu dareemayaa inaad u aragto qof muhiim ah oo aad tixgelinayso. Marka aad u muujiso inaad doonayso in aad wax ka ogaato qofka uu yahay iyo waxa uu qabto, ma tusinayso oo keliya inaad danayso noloshiisa balse waxay dareensinaysaa inuu yahay qof khaas ah.

U fiirso calaamadaha cascas:

Haddii qofkan cusub ee aad la haasaawayso uu had iyo jeer ku dhaleeceeyo, balanta uu gooyo, ama aad ku qabato isagoo been kuu sheegaya, ama aad aragto isaga si xun ula dhaqmaya dadkl kale, ogoow uma qalmo inaad xiriirka la sii waddo. Qofku sidiisaba ma qarin karo shakhsiyaddiisa dhabta ah, wuu isku deyi karaa inuu qariyo laakiin haddii aad tahay qof soo jeeda wax walba waad ogaan kartaa. Waxaa jira maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahdaa “laafyo aadan lahayn lix tallaabo kuma gaarsiyaan”.

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *