Xanuunka Maqaarka Ku Dhaca Ee Sooriyeesis (Psoriasis)

Cudurka Psoriasis (Sooriyeesis):

Waa cudur maqaarka ku dhaca kaasoo keena in maqaarka uu qolfo badan ka dhasho, iyadoo unugyada haraga ay ubadanayaan si aan caadi ahayn.

Astaamaha Lagu garto cudurkan

Waxaa kamid ah in jirka ay kasoo baxaan nabaro yar yar oo ku daboolan jilif/qolof cad oo adag. Qoloftaan oo aad u daadato.
Sidoo kale wuxuu leeyahay cun cun, cidiyaha oo jajaba iyo jilba xanuun.

Noocyada Sooriyeesiska

Cudurka Psoriasis wuxuu leeyahay noocyo farabadan. Waxaana ugu caansan noocyada kudhaca

  1. Xusulada, Jilbaha iyo madaxa (Plaque Psoriasis)
  2. gacmaha iyo lugaha (Palmoplantar Psoriasis) (Tusaale Sawirka ku lifaaqan)
  3. Cidiyaha (Nail Psoriasis)
  4. Meelaha laabma ee jirka sida kilkilaha (Inverse Psoriasis)

Cudurkaan waa cudur raaga oo laga yaabo inuu soo noqnoqda. Waxyaabaha keena inuu cudurkaan soo laalaabto waxaa kamid ah; stresska iyo walwalka faraha badan, infections, cudurka sokorta.

Maxaa sababa cudurka Psoriasis?

Sababta saxda ah ee cudurkan keenta wali lama ogaanin. Laakiin waxaa laga shakisanyahay in waxyaabo hidde-wadaha qofka kujira uu keeno.
Waxaa kaloo kheyb wayn ka qaata difaaca jirka oo oo si qaldan u weerara unugyada maqaarka.

Daaweynta Cudurka:

Cudurkaan daweyntiisa waxay ku xirantahay nooca cudurka. Nooc walibana an kor kusoo sheegnay wuxuu leeyahay daaweyn ugaar ah. Waxay ubaahantahay sabar badan, daaweyntiisu marxalado kala duwan ayay martaa oo qaadaneysa 6billood ilaa sanad.

Ugu Dambeeyntii iyadoo aysan jirin tira koob laga sameeyay dadka somalida ee cudurkaan qaba. Laakiin, isbuuc kasta ugu yaraan 6 qof Soomaali ah oo qaba cudurkan ayaan la kulmaa. Waxayna isugu jiran 20jir – 60jir.

Mahadsanidiin.

Dr. Mohamed Ali

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *