Xaaladda Xusuus Gabka Ee Dimenshiya (Dementia)

Waxaa jira dad badan oo ku wareersan waxa ay tayay dimenshiya (dementia), waxaa kaloo jira dad u haysta in dimenshiya ay tahay cudur. Balse xaqiiqdu waxey tahay in dimenshiya aysan aheyn cudur, dimenshiya waa calaaamado badan oo markay isku tagaan loo yaqaan dimenshiya kuwaasoo laga yaabo inay keeneen cuduro kale. Dimenshiya waxaa la dhahaa marka qofku uu awoodi waayo ama ay ka dhunto awoodii uu ku fikiri lahaa, ama awoodii uu dadka kula xiriiri lahaa, ama ay ka dhunto xasuustii.

Sababta ka danbaysa dimenshiyada ayaa lagu sheegay iney tahay cudurka loo yaqaano asaasaq.

Waxaa kaloo keeni kara jug madaxa kaasoo gaartay ama cudurka loo yaqaan Huntington’s ama Lewy body dementia.

Hadii xusuusta kaliya kaa dhunto ama fikirka kaa dhumo lama oran karo waxaa ku haya maskax faluuq ama dimenshiya, sidaa daraadeed si loo cadeeyo in qofku qabo maskax faluuq waxaa loo baahan yahay in ugu yaraan la helo labo nooc oo kamid ah waxyaalaha ay ka kooban tahay dimenshiyadu, kuwaasoo qofka noloshiisa maalin laha ah kamid noqday.

Taas badalkeeda hadii qofku dhumiyo xusuusta dhaw sida hadii qofku garan waayo wuxuu saaka quraac ahaan u cunay, ama hadii uu garan waayo sababta uu qolka usoo galay ama hadii uu garan waayo wixii uu samayn lahaa waqtigaas uu joogay, markaas waxaa qofkaas loo tix galin karaa inuu qabo dimenshiya.

Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa kamid ah, hadii qofku ku dhibtoonayyo inuu qof kale la wadaago wada sheekaysi caadiya sababtoo ah qofkaan ma awoodo inuu ereyada uu dhihi lahaa si sahal ah ku dhaho ama maskaxda uga soo qabto.

Is badalka dabeecadaha dadka ayaa sidoo kale kamid ah calaamadaha maskax faluuqa

Qofka ay soo hayso maskax faluuqu waxaa kaloo lagu gartaa inuu ka xiiso dhaco waxyaalaha uu horay u xiisayn jiray markuu yaraa, sidoo kale waxay xitaa dhumiyayaan xiisihii ay u qabeen qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Dadka qaba dimenshiya waxaa dhib ku ah inay la qabsaadaan deegaanada ku cusub noloshooda ama marxaladaha kala duwan ee soo mara.

Tusaale ahaan haduu qofku aado dukaan uu wax kasoo gadan lahaa oo markuu tago dukaankii uu garan waayo wuxuu kasoo doontay dukaanka taasi waxay cadayn u tahay inuu qofkaas qabo maskax faluuq.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *