Waxyaabaha Haweeneyda Kahor Istaagi Kara Inay Uur Qaado

Sababo kala duwan ayaa yaren kara fursadda uur qaadista, ha noqdaan kuwo caafimaad ama kuwa aan xiriir la lahayn caafimaadka. 

Haddii aad isweydiineyso sababta aad uur u qaadi la’adahay waa kuwaan sababaha kaa hor istaagi kara inaad uur yeelato ee ay tahay inaad iska eegto, islamarkaana aad kala tashato khabiir caafimaad si aad u hesho talo iyo daweyn.

Sababaha kaa hor istaagi kara uur qaadista: 

Rabitaanka galmada oo hoos u dhaca: 

Dhowr sababood ayaa keeni kara in rabitaanka galmada uu ku yaraado lamaanaha midkood ama labadaba. Doonista galmada oo yaraata waxay sababi  kartaa in aan la isku tegin xilliga ugxanta la soo daayo ee ay diyaar u tahay in la bacrimiyo taas oo hoos u dhigi karta fursadda uur qaadista. 

Xanuunka endometriosis: 

Endometriosis waa xaalad caafimaad oo keenta inuu caabuq ku dhaco xuubka ku dahaaran ilmo galeenka (minka) oo ah meesha uu ku koro ilmaha uur jiifka ah. Cilladani waxay yareysaa fursadda uur qaadista. Daraasad la sameeyay ayaa shaacisay in 25% illaa 30%  umarka qaba dhalmo la’aanta uu hayo xanuunka Endometriosis. 

Buurnida: 

Daraasado badan ayaa sheegay, in haweenka buurbuuran iyo kuwa miisaanka xad dhaafka ahi uu saaran yahay ay halis ugu jiraan madhalaysnimada, daahista uur qaadista iyo dhiciseynta. Cayilka badan waxa uu haweenka qaar ka hor istaagaa inay uur qaadaan sababtun waa dufanka xad dhaafka ah ee ku uruura jirka iyo dhibaatooyinka hormoonnada ee saameeya caafimaadka taranka.

Caadada oo aan joogto ahayn:

Caadada oo aan joogto ahayn waxay astaan u noqon kartaa dhalmo la’aanta laakiin markasta uma ahan. Haddii aad doonayso inaad uur qaado, waa inaad la kulaanta khabiir caafimaad si aad u fahamto sababta ka dambeysa. Ugxan sidaha fiixda leh (PCOs) iyo cilladaha tayroodhka, khalkhalka caadada sida oo kalena waxay saameeyaan dhalmada, waxayna keeni karaan in uur qaadista ay daahdo.

Bacrimin la’aanta ragga:

Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in raggu 20% illaa 40% ay ka masuul yihiin kiisaska madhalaysnimada. Arrimo ay ka mid yihiin dawooyinka, qalliino hore iyo cillado hidde la xiriira ayaa saameyn ku yeesha tayada xawadooda, heerarka hormoonka “testosterone” iyo guud ahaan dhalmadooda. Sidaas darteed, waa lama huraan in labada qof ee isqaba ay dhakhtar la kulmaan.

Da’da:

Dhalmada ragga iyo dumarkaba hoos ay u dhacdaa marka ay waynaadaan. Sida ay iftiimisay daraasad la sameeyay bacriminta haweenka (awoodda uur qaadista) waxay bilowdaa inay hoos u dhacdo marka ay gaaraan 35 jir, waxayna keeni kartaa in uur qaadistu ay daahdo.Dhinaca ragga, tayada xawadoodu hoos u dhacdaa marka ay dhaafaan da’da 40 jirka, socodka maniduna wuu yaraadaa marka ay dhaafaan da’da 43 illaa 45 jir. 

Dawooyinka uurka looga hortago:

Dumarka qaata dawooyinka uurka looga hortago muddo dheer, waxaa ku adkaan kara uureysiga kadib marka ay joojiyaan dawooyinkaas. Dumarka qaar, horay uur ka qaadaan, halka qaarna ay ku qaadadato sannad iyo ka badan inay uur yeeshaan. Inkastoo dawooyinka uurka looga hortago aysan raad taban ku yeelan uur qaadista ama daahinta bacriminta, haddana sababaha ay ka mid noqon karaan.

Hurdo a’aanta: 

Hurdo la’aantu waxay raad taban ku yeelan kartaa dhalmada ragga iyo dumarkaba. Daraasad ayaa iftiimisay in hurdo la’aantu ay keeni karto dhiig kar, niyad jab iyo walwal xad dhaaf ah. Dumarka, arrimahani waxa ay saameyn ku yeelaan karaa dhalmadooda. Halka raggana, hurdo la’aantu ay hoos u dhigto tirada iyo tayada xawada.

Sigaar cabidda: 

Sigaar nuugista iyo ku la qabsiga daroogooyinka kale sida khamriga iyo qaadka, waxa ay saameyn xun ku yeelataa dhalmada ragga iyo dumarkaba. Sigaarka iyo qaadkuba waxa ay yareyaan tayada iyo socodka xawada ragga. 

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *