Wax Ka Ogoow Faa’idada Dacarta Iyo Cudurrada Ay Daawada U Tahay

Dacarta “Aloe Vera” waa dhir daweed aad u waxtar badan oo ay khubarada caafimaadku isku raacsan yihiin waxtarkeeda. Waxaa dacarta ku jira 75 maado oo caafimaadka waxtar u leh, oo ay ka mid yihiin fiitamiinno, macdano, barootiin iyo dheecaan burburiyeyaal (enzymes).

Dacartu waxay ku jirtaa dhirta ugu muhiimsan ee laga sameeyo daawooyinka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo. Qormadaan waxaan ku eegaynaa faa’idooyinka ay leeday dacartu oo waayadaan dambe ku soo badanaysa suuqyada lagu iiibiyo daawooyinka dabiiciga ah.

Hoos u dhigista sonkorta dhiigga:

In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujiya macaanka, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga. Dacartu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha dabiiciga ah ee waxtarka u leh dhinaca dhimista sonkorta dhiigga waxaana ku jirta maadada la dhaho “Polyphenols” .

Dacartu waxay kordhisaa firfircoonida iyo shaqada hormoonka Insulin-ka oo muhiim u ah dadka macaanka qaba, waxayna hoos u dhigtaa heerka dufanka nooca loo yaqaanno “triglyceride”.

Kobcinta caafimaadka afka:

Cilmibaaris la sameeyay ayaa lagu arkay in dacartu ay daawo u tahay yiridka ay huuradu sababto. Yiridku waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keeno jeermis, Wuxuu yimaadaa marka huuro ay ku buuxsanto inta u dhaxeysa ilkaha iyo cirridka.

Sun saarista iyo dacarta

Dacarta waxaa ku jira maadooyinka sunsaarista jirka u qaabilsan ee loo yaqaano “Antioxidants”, Dacarta waxay jirka ka saartaa qashinka iyo sunta, waxayna u fiican tahay dadka cillad ay ka haysato dhinaca qashin saarka sida dadka beerka ama kilyaha ka xanuunsan. maadooyinka antioxidants-ka ah waxay unuyada jirka ka ilaaliyaan dhaawaca ka dhasho sunta ka dhalata waxyaabaha jirka galo.

Daawaynta calool fadhiga:

Dacarta waxay daawaysaa calool fadhiga waxaa ku jirta maado lagu macaabo “barbaloin” oo caloosha jilcisaa. Sidoo kale dacartu way istaajisaa shubanka.

Xoojinta difaaca jirka:

Dacarta waxaa ku jiro waxyaabo kor u qaada awooda difaaca jirka taas ka hor hortagta xanuuno badan.

Daawaynta nabraha jirka:

Dacartu waxay si weyn u kordhisaa soo saarista maadada collagen ee maqaarka, jeelka dacartu wuxuu u si dhakhso u daaweeyaa  gubashada iyo dhaawacyada maqaarka.

Hoos u dhigista astaamaha laab-jeexa:

Marka qofku uu dareemo laab jeex, waxay ka tarjumeysaa in ay aashitada caloosha gubeyso unugyada hunguriga. Hadii astaamaha laabjeexu ay soo noqdaan ugu yaraan laba jeer isbuucii waxaa dhaca xanuunka loo yaqaano laabjeex. Xaaladaan caafimaad waxaa ka cawda dad badan oo kamid ah bulshada.

Sababta ugu badan ee laabjeexa ayaa ah, in qofka uusan si wanaagsan u calaalin cunada, ama uu biyo kula cabo cunada,taas oo ku qasbeysa caloosha in ay ku burburiso aashito badan, aashitadaan ayaan usoo gudbta hunguriga, waxaana halkaas ka dhasha dareenka qofku uu dareemo xiliga laabjeexa. Dacarta waxay wax ka tartaa laabjeexa, waxay yaraysaa astaamaha laabjeexa sida Kulaylka xabadka kasoo kacaya caloosha ilaa hunguriga iyo daacada badan iyo matagga.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha

Dacartu waxay caawisaa soo saarista barootiinnada maqaarka ku jira ee collagen iyo elastin oo xoojiya maqaarka jirka calaamadaha duqnimadana la dagaallama. sidoo kalana waxtar wayn u leedahay daweynta burburka iyo go’itaanka timaha, maadaama oo ay ku jiraan fiitamiinno iyo dheecaanno timaha jiriddooda nafaqaysaa, agoolkana way daawaysaa.

FG: Dareeraha dacarta si toos ah looma cabbo, waa inuu warshad soo maro oo la soo sifeeyaa.

Dumarka uurka leh iyo kuwa ilmaha naaska nuujiya waa inay ka fogaadaan cabbista dacarta, sidoo kale looma ogola dadka baabasiirka qaba.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *