WAHSIGA W/Q: Ciise Waddani

Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- “Allow waxan
kaa magan galay walwalka/werwerka,  iyo murugada, iyo tamar darrida,  iyo wahsiga, iy dhabcaalnimada,Iyo fulaynimada, iyo dayn i cuslaysa, iyo rag iga roonaada”

Halkan waxan kusoo qaadan doonaa shan qodob oo wax inooga iftiimiya wahsiga.

1. Waa maxay wahsi?

Tusaale ahaan afka carabiga marka lagu eego kelmaddan waxay noqotaa “Al-
kasal” marka lagu qeexayo micneheeda qaamuuska “Lisaan al-carab” iyo shabakadda Al-macaani “Almaany” waxay ku tilmaamayaan ‘go,aan la,aan iyo isku cuslayn wax aan sax ku ahayn inay cuslaadaan, iyo shaqo ka gaabin oo ah lidka firfircoonida’ sidoo kele afka ingiriiska waa “Laziness” tasoo qaamuuska
Oxford uu ku qeexayo ‘Tayada in aad ahaato mid diiddan in uu ku sheqeeyo ama isticmaalo awoodiisa’ sidaa awgeed in kastoo dunidu hal macne u turjumto wahsiga hadana waa sir xeel fog oo ay dhinacyo kala duwan u dhigeen culimadii waaweyneyd ee islaamka iyo kuwa maanta, sidoo kelena aanay u dhaadhicin aqoonyahannada iyo baadhayaasha dabeecadaha iyo cilmi nafsiga
lagasoo bilaabo aqoonyahankii reer maraykan ee  Leonard Carmichael kaasoo yidhi “Wahsigu maaha eray ka muuqda inta badan jadwalka buugaagta
farsamada ee Cilmu nafsiga”  sidaa awgeed waxaynu isku deyeynaa qeexidda macnaha guud ee wahsi, Wahsigu waxa uu  ka turjumayaa xaaladda loo yaqaano marku qofku qaadi kari waayo culays shaqo ama dhaqdhaqaaq ay ahayd inu sameeyo qaadi kariwaagaas oo ah mid doonista ah, wahsigu waa is moodsiis qofku is moodsiiyo inaanu qaban karin hawl ama aanay ahayn inu qabto wakhtigan.

Wahsigu waa waxa guul dareyste kastaa u nisbeeyo guul darradiisa, waana waxa
banjariya taayir kasta oo aad ku dhaqaajin lahayd baabuurkaaga dadaalka, Wahsigu waa cudur asiiba rabitaanka iyo tamarta maskaxda qofka ka dibna qofku hagrado waajib uu qabsan lahaa.
sharaxa xadiiska nabiga s.c.w ee aynu kor kusoo qaadanay ayay culimada sharaxday ku tilmaameen maadaama nabigu kala saaray ‘Wahsi’ iyo ‘Caajis’ in loo kala qaadi karo caajis oo ah tamar la,aan iyo wahsi oo ah rabitaan la,aan.
C/raxmaan Bashiir Siyaad oo ah wiil somaliyeed buug yarihiisa Wahsitire waxa uu kusoo qaadanayaa sharaxaaddii culimada ee caajiska iyo wahsiga oo ah labada xadiisku kala saaray.
Ibnu xajar “Wahsigu waa shayga oo laga tago iyadoo la awoodo caajiskuna waa iyadoo la awoodi waayo shay qabashadiisa hadii xitaa qofku doonayo”

Sheikh Cayni “Wahsigu waa nafta oo aan isu dirayn samaynta wanaaga iyo
L shaqada iyadoo awoodda, Caajiskuna waa qofka oo awoodi waaya ficilada wanaagsan”

Sheekh Muxamed Salix Alcusaymiin ” Wahsi waa qofka oo ka liita dhanka doonista , caajiskun waa qofka oo ka liita awoodda jidhka”

Sidaa awgeed mawduucani kuma saabsana caajiska maxaa yeelay caajisku waa cudur hawl gabid ah, sida hawl gabidda cibaadada, hawl gabidda dheef shiidka, hawl gabidda hormoonada iyo qanjidhada oo siyaabo kala duwan wax u
saameeya, balse qormadan waxaynu ku qeexaynaa waa wahsiga oo curyaamiya doonista wakhtigana baabiiya.

2. Yaa leh sifada wahsiga?

Cidda leh sifada wahsiga waa cid kasta oo isku cuslaysa diin ama dan kele oo waajib ku ah, Qur,aanka sharafta leh wahsiga waxa  ay ku jirtaa laba meelood,

“Munaafiqiintu waxay khiyaameynayaan Ilaahay, Ilaahayna siday u sameeyeen isku deygaas liita ayuu ula dhaqmayaa, markay salaadda u kacaanna waxay u kacaan iyagoo wahsanaya dadkana is tusaya, mana xusaan Ilaahay inyar mooyee” An-Nisaa 142.

“Umaanaan diidin in la aqbalo tabarucaadkooda in ay Alle iyo ergigiisa ka gaaloobeen mooyaane, salaadana ma yimaaddaan iyagoo wahsanaya mooyee, waxna ma bixiyaan iyagoo diiddan mooyee” At-Tawba 54.

Quraanku waxa uu wahsiga ku sifeeyey kuwo aan daacad u ahayn fulinta waajibaadka diimeed oo la yidhaahdo munaafiqiin, sidaa awgeed cid kasta oo
kala siman ka gaabinta shaqo gudashada waxa ay ku sifoobaysaa wahsi.

3. Xidhiidhka ka dhexeeya wahsiga iyo heerka nolosha?

Wahsiga waxa qayb ka ah dabaqada nololeed ee qofka iyo hawl maalmeedkiisa, inta badan waxa aynu ognahay dadyowga xaqiijiyay nolosha sareysa iyo badiba hantiilayaasha dunidu inay yihiin dad kusoo barbaaray nolol kakan oo bilaa
daryeela, waxay tacabka kasoo bilaabeen nolol aanay suurta gal ahayn in uu wahsado qofku, qofka oo haysta nolol buuxda  oo wax kasta cid kele u qabanayso ama hawl yari ugu imaanayso waxay u nuglaysaa wahsiga iyo inu iska indhatiro qabashada hawlaha adag.

4. Maxaa ugu weyn ee keena wahsiga?

Marka aynu tusaale ka qaadano aragtida casriga ah iyo culimada hadda nool, Sheekh Sacad Alcatiiq oo ah aqoonyahan diimeed oo sucuudiyaan ah marka uu ka hadlayo waxyaabaha keena wahsiga waxa uu kusoo koobayaa in “hadafka oo
maqan macnaha aan kuu cadeyn iyo midhaha ka dhalanaya hawsha aad qabanayso oo aanad qiyaasi karin ay laf dhabar u yihiin imaanshiyaha wahsiga” taas oo ay  xidhiidh la yeelanayaan arimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabaha
soo socda:-

  • Fahanka laga haysto wahsiga iyo waxa keena oo liita.
  • Qorshe la,aanta.
  • Saaxiib wahsi badan oo qofku ku xidhmo.
  • Arrimo caafimaad sida madax xanuunka, hurdo la,aanta, caabuqa kelyaha iyo
  • beerka, hoos u dhaca faytamiinada ama dhiiga, IWM.
  • Cuntooyinka qaar sida kuwo duxdu ku badantahay ama saliidda lagu shiilo,
  • kuwa sokortu ku badantahay, daqiiqda/burka cad, cabitaanada diyaarsan ee
  • moorka ah IKK.
  • Shaqada jidhka oo caadigeeda ka tagta sida mukhaadaraadka oo la
  • isticmaalo.

5. Sida loola dagaalamo wahsiga:

Waxa aynu soo xusnay in munaafiqiintu ka wahsadaan salaadda, hadabo qoraaga da,da yar ee masriga ah Islaam Jamaal waxa uu kitaabkiisa la yidhaahdo “salaaddi iga tagtay” ku sheegay “Asxaabta waxa la faray salaadda 12 sano kadib soo saaristii Nabiga s.c.w xikmadaasi waxay ahayd in horta laga dhaadhiciyo sifooyinka, Naxariista, iyo awoodaha Alle kadib waxa ku dhibcay jacaylka Alle markaas ayay boos u heleen salaadda si ay ugu xidhiidhiyaan Allaha ay jecelyihiin, waxa kele oo uu leeyahay in salaadda la ilaaliyo waxa ka horeysa in Alle la barto haddii aad Alle barato waad jeclaanaysaa haddii aad jeclaatana waad adeecaysa taasi waxay meesha ka saareysaa wahsiga salaadda” waxa aynu halkaas ka fahmi karnaa wahsiga waxa ugu weyn ee lagula dagaalami karaa waa in aad shaqo kasta barato ahmiyaddeeda, Wahsigu waa wax soo weerara bashar kasta, waana wax u baahan in si joogto ah loola dagaalamo loogana hortago iyadoo lagu xisaabtamayo midhaha dadaalkaaga aad ka goosan doonto isla markaana aad oddorosi karto, waxyaabaha kele ee kaa  caawinaya iska

fogeynta wahsiga waxa ka mid ah:-

  • Inad ku ducaysato ducada aynu kor kusoo xusnay ee wahsiga iyo ducooyinka la midka ah.
  • Weysada oo aad joogteyso maadaama biyaha oo wejiga lagu dhaqaa tahay waxyaabaha laysku raacsanyahay inay dar-dar geliyaan jidhka.
  • In leedahay hadaf iyo qorshayaal qaabaysan.
  • Inad ilaaliso caafimaadkaaga, biyo kugu filan iyo cunto dheelitiranna isku daydo inad hesho.
  • In aad ka fogaato dad kasta iyo deegaan kasta oo kuu sahli kara wahsiga iyo dibudhaca.
  • In aad seexato hurdo kugu filan.
  • In aad sameyso jimicsi gaar ahaan subixii kana taxadarto hurdo inad ku gaadho cadceed soo baxa.
  • In aad abaal mariso naftaada oo aanad shaqada ku cadaadin mar kasta.

Waxa qoray: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *