Waa Maxey Sababta Walax Aynu Aragnay Ay Inoogula Ekaato Weji Aadame?

Marar badan ayaa ay innagu dhacdaa in walax caadiya oo aynu arkayno uu haddana inooga dhex muuqdo humaagga weji bani’aadam; xabbad baradho ah, bilaydh beed ah, daruurta cirka ama laga yaabaa dayaxa ayaa marka aynu eegno uu mararka qaarkood inooga dhex muuqdaa weji qof.

Maxaa sabab u ah weli ma is weydiisay?

Waxaa dhacda in maskaxda bani’aadamku ay marar badan si aan kutalagal ahayn u soo celiso xusuusta wejiyo ama codad hore ugu kaydsanaa laakiin aan markan si waadax ah u soo noqon, waxa aanay xusuustaas aan xulashada ku iman ee iska soo dhacaysaa ku beegmi kartaa deymada walaxda aynu eegayno, kaddib wejigii xusuusta ku yimid ee aan muuqaal ahaan u caddayn ayaa uu humaaggiisu ka dhex muuqanayaa walaxda. Waxa xaalad nafsadeed afka cilmiga lagu yidhaahdo “Pareidolia’ inkasta oo ay macne ahaan intaas ka sii guda ballaadhantahay, mararka qaarkoodna ay gasho xaalado xanuunno nafsiya noqon kara.

Dhinaca kalana waxaa jira xeelad farsamo oo loo yaqaanno ‘Template matching’ Dadka teknoolajiyadda, gaar ahaan cilmiga kombiyuutarka ayaa aad u yaqaanna, waa geeddi socodka uu sawirku maro si uu u dhammaystirmo. Haddii aynu si fudud u dhignana waa in qayb-qayb (Gobal-gobal) loo soo helo qaybo yaryar oo isu geyntoodu sawirguud samaynayso

Cilmibaadhis uu natiijadeeda faafiyey wargeyska ‘The Guardian’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa iftiimisay in maskaxda aadamuhu ay adeegsato isla nidaamkaas loo yaqaanno “Template-matching” sidaas awgeed marka ay maskaxdu aragto qaybo ama dhinacyo ka mid ah walaxda uu markaba isu dhammaystiro sawirka ugu dhow ee maskaxda ku kaydsan oo dabcan wejiyadu ugu soo horreeyaan, waxa aanay sawirataa humaagga weji bani’aadam, sida oo kale waxaa dhacda in ay waxyaabo kale maloawaalato, sida in kurtin uu ula ekaado bahal, ama in muuqaal caadi ahi uu sawir xayawaan siiyo.

Waxaa yaab leh in maskaxdu aanay wejigaas maloawaalka ah arkin oo keliya, balse sida oo kale ay ka dhex aragto dareennada caadiga ah ee uga muuqda wejiyada runta ah; tusaale ahaan ay ka aragto farxad, cadho iyo murugo. Weliba mararka qaarkood ayaa ay muuqaalladaas weji ee maloawaalka ahi saamayn ku yeeshaan dareenka qofka, si la mid ah saamaynta ay innagu yeelan karaan dareennada murugada, farxadda ama niyadxumada ah ee aynu mararka qaarkood ka akhrisanno wejiyada caadiga ah.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in maskaxdu, wejiyada maloawaalka ah ee ay aragto aanay u aqoonsan in ay been yihiin, balse ay ula macaamisho sida wejiyada dadka, taas oo keenaysa in ay isku daydo fahamka dareennada wejigaas ay ka arkayso, si la mid ah wejiyada caadiga ah ee aadamaha. Tusaale ahaan marka aad qof wejigiisa aragto waxaa markaba maskaxdaadu ay sawiran kartaa farxad, murugo, cadho, baahi iyo badhaadhe midka uu yahay dareenka wejigaasi xambaarsan yahay. Sidaas si la mid ah ayaa marka ay aragto wejiyada maloawaalka ah ee walxaha aynu ka dhex aragno, waxa ay markaba fasiraad u samaysaa dareenka ay u qaadato in wejigaas uu ku duugan yahay.

Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *