Ma Taqaannaa Sababta Aanay Xadhkaha Korantadu Ugu Dhegin Shimbiraha?!!

Korontadu marka ay qofka ku dhegto waxa ay awood u leedahay in ay ilbidhiqsiyo ku gaadho Wadnaha, waxa aanay khalkhal gelisaa habsami u socodka garaaca Wadnaha iyo in uu dhibaato khatar badan ku keeno xubnaha kale ee jidhka. Si kastaba ha ahaato ee waxaa yaab leh in aynu aragno shimbiraha oo ku taagan xadhkaha laydhka oo diiran, haddana aanay korontadu qabsanayn. Haddaba waa maxay sababta ay shimbirtu kaga badbaadday khatartaas:

  1. Qulqulka korontadu sidiisaba waa caajis mar kasta jecel hillinka ugu dhow in uu maro, sidaas awgeed marka ay shimbirtu ku dul istaagto, dabkii xadhiga marayey ma sameeyo sida la filayo oo ah in inta uu kor u kaco oo uu jidhkeeda dhex maro in haddana uu dib ugu soo noqdo qulqulkiisii caadiga ahaa ee xadhiga dhex marayey, balse taas beddelkeeda waxa uu qulqulku si caadi ah u sii wataa socodkiisii xadhiga oo uu cagaha shimbirta si caadiya u hoos maray.
  2. Shimbirtu waxa ay ku taagan tahay hal xadhi oo labada cagoodba u saaran yihini, haddiise cagta kale ay saari lahayd xadhiga kale waxaa dhici lahaa shoodh iyada khatar ku ah sida oo kalana shoodh dhalinaya. Waana sababta ay shirkadaha korontada aad ugu kala fogeeyaan xadhkaha dabka, si loo badbaadiyo shimbiraha waaweyn ee labada xadhig isu taaban kara.
  3. Shimhirtu marka ay xadhiga ku taagantahay jidhkeedu ma taabanayo shay kale oo dhulka xidhiidh la leh, tusaale ahaan tiirarka xadhigu ku xidhan yahay. Taas oo haddii ay dhacdo uu shood degdeg ahi geli lahaa.

QODOB KALE:

Haddii qofku uu ku istaago miis ama shay aan korontada gudbinayn, kaddibna labada xadhig ee korontada midkood taabto, korontada ma dhex marayso jidhkiisa ama kuma dhegeyso. Laakiin haddii jidhkiisu uu taabto dhulka ama shay dhulka ku dheggen, waxa markiiba dhacaysa in ay korontada ku dhegto, sida oo kale haddii jidhkiisu uu taabto xadhiga labaad ee korontada waa uu qabsanayaa.

DIGNIIN: Korontadu waa saaxiib aan gardarro lahayn, inta ay ammaan ka helayso gacanta qofka aan aqoonta u lahayn, waa se khatar dilaa ah haddii si farsamo ahaan qaldan loo farageliyo. Fadlan ka dheeroow xadhkaha korontada.

Kamaal Marjaan

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *