Calaamadaha Lagu Garto Lamaanaha Noolashooda Ku Guulaysta

Marka hore waxey mahadi u sugnaatay Allah subxaanahu watacaale ee iskugu dooray qaabkaan wanaagsan ee ay ninku iyo haweyneydu isu weheshadaan.

Sida aan ka faa’iideysaneyno diinteena wanaagsan Qoyska nolosha ku guuleystay waa kuwa leh calaamadahaan soo socoda:

1.Lamaanaha is qaba waa kuwa wada tashada.Ilaahey wuxuu ku leeyahay qur’aankiisa (159)qurankaNabiguna (NNKH) wuxuu la tashan jiray xaasaskiisa iyo Asxaabtii.

2.Had iyo jeer waa kuwa ka fogaada wixii keena khilaaf dhexdooda ah iyo iska hor imaadka, caqabad walba oo la soo gudboonaatana wey ka gudbaa.

3.Waa kuwa wax kastoo la soo gudboonaada wada qabta, Isu muujiya dabacsanaan dhexdooda ah, waxna kala maqla.

4.Hadii khilaaf dhex maro ileen bani’aadam baala yahaye waa kuwii isu tanaasulo.

5. marmarka qaar markii khilaaf dhaco nimanku waxay isku dayaan inay haweeneyda cabudhiyaan marka raggu waa inaysan cadaadinin, sidaa darteeda cabudhiskuna reer ma dhaqo odayga reerku waa inuu usoo istaagaa hooyada reerka oo talada lawada gooyaa meelna lawada dhigaa ileen waa isku dane.

6.Waxay ku qanacsanyihiin wixii kheyrahoo Alle siiyo, iyagoo indhaha u taageynin waxay dadka kale heystaan.

7. waxey isku kaalmeystaan daacada Ilaahey noocay dooniba ha noqotee.

Qoyska calaamadahaas leh e aan soo tilmaanay waa ka bulsho wanaagsani ka dhisanto,waxeyna ku saleysan tahay fikrada o dhaneysa Marka hore waa in la helaa qof ehlu kheyr ah, qofku ehlu kheyrka ahi wuxuu dooranayaa ama raadsanayaa lamaanihiisa ehlu kehyrka ah.

Halkaa waxaa ka sii baaxaya qoyska ehlu kheyr ah ee aan tilmaanay, bulshu ehlu kheyr wada ah, waxaa ka soo baxaya oo kale dowlad ehlu kheyr ah. waayo bulshada ehlu kheyr ahi maba dooran karto dowlad ehlu shar ah,taasina waa tuu ilaahey  ugu tala galay iney nolosha bani’aadamku ku taagnaato.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan dhihi lahaa hablaha anigaba aan ugu horeeyo inaan caawino wiilasheena garab istaagno daruufkasta oo ay ahaataba,kana dambeyno oo aan ku ekaano intii naloo jideeyey,una dulqaadano,hormarna gaadhsiino bulshada ooynaan hakran ,iskuna deyno inaan ka soo baxno wixii waajib ah oo ilaahey na faray oo aan adeecno,wiilashana sidoo kale ayan leeyahay hala isu dulqaato si aan u oga mid noqono qoysaskaas guuleystay ee noloshooda ku liibaanay. Hadaba sidaa darteeda ila eega gabaygaan uu tiriyey Abwaan Abdi qaadir sharif.

Lamaanaha qumani waa kuwii::khayrka qaybsada e»

Waa kuwaan qilaaf iyo lahayn::qaylo iyo buuqe»

Iskumana qaloocshaan warkee::ways qadariyaane»

Wax kastoo laqaban aayarbay::wada qorsheeyaane»

Qaladaad hadii uu dhacoo::amaba lays qoomo»

Qunyar bay isula toosiyaan::kalama quustaane»

Qasab iyo anaa kaa qabwayn::qadafku waa ceebe»

Quudkuu ilaah siiyay bay::qaanic kuyihiine»

Qaadirkoodna way caabudaan::una qushuucaane»

Qurux bay uwada noolyihiin::mana qasaaraane»

Qaran bay abaabuli karaan::qoys wanaagsaniye»

Kol hadaanse laysuba qoslayn::soo qariban maaha»?

Wixii sax ah oon qorayna waa mid xagga EEBE ka timid, wixii khaladna waa mid nafsadayda ka timid waxaana rajaynayaa in dhamaan laga wada faa’idaysan doono inshaAllah.

Wabbillahi Tawfiiq.

Qore: Canab Maxamud Sharif

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *