Talooyinka Guurdoonka Qeybtii 1-Aad

Waxaan qormooyinka soo socda kuugu soo gudbinayaa 7 talo ama tallaabo oo muhiim u ah doorashada cidda aad guursanayso, haddu Alle idmo.

1. Qalbiga ku dooro

Casriga aynu maanta nool nahay, aad bay muhiim u tahay isasoojiidashadu. Jacaylku waa wax jira, hubin bayse u baahantahay in uu yahay mid xaqiiqo ah iyo inuu yahay mid khayaali ah. Dareenka jacaylka ee dhabta ah ma aha in aad qofka qurux ku jeclaatay; ma aha inaad hanti ku jeclaatay, mana aha inaad mansab ku jeclaatay. Dareenka jacaylku waa ka qaro waynyahay intaaba. Jacaylka dhabta ahi waa kan aad qofka qofnimadiisa ku jeclaato, gunta qalbigaagana aad ka dareento in uu yahay qof aad nolol la wadaagi karayso.

Dareenka fog ee qalbiga laga dareemo in qofi kugu habboonyahay iyo in kale waa mid awood wayn, marar badanna runnimo badan. Xilliyida qaar, adigoo qofka ka helay buu qalbigu misana ku siiyaa dareen ah in aanu qofkani ahayn qofkii saxda ahaa ee kugu habboonaa. Hadda ogow, ka-helidda iyo dareenkan dambe ee lidkiisa ah, labaduba qalbigay ka yimaaddeen, waxay se hadba ku xidhantahay midka aad dhagaysato.

Waa muhiim inaad qalbigaaga dhagaysato farriinta uu qofkan kaaga sheegayo. Sida aad marar badan qalbiga uga dareento qofka aan noloshaada ku habboonayn ee aadan ka helin ayaad sidoo kalana qalbiga uga dareemi karaysaa qofka saxda ah ee aad nolosha isku darsan karaysaan.

Waan qirayaa in sida fudud ee aan kuu leeyahay qofka kugu habboon qalbigaad ka dareemaysaa aanay u fududayn, wax la taaban karana aanay u ahayn. Hase ahaatee, dareenka gudeed ee uu qalbigu sal-dhigga u yahay wax badan buu kaaga saadaalin karaa qofka kugu habboon iyo qofka aan kugu habboonayn.

Waayo qalbigu waa halka laga dareemo in aad qofka si hoose qalbiyadiinu isugu xidhiidhsanyihiin (connection), sidoo kale waa halka laga dareemo kalsoonida iyo in aad qofkan ku kalsoontahay inaad nolosha la wadaagto. Ma yahay qof aad noloshaada ku aammini karto? Ma yahay qof nolosha inta ka dhimman aad la noolaan karayso? Midna ogow; wayddiintan iyo wayddiimaha la midka ah markaad ka jaawabayso yaanay kaa noqon tan hawada iyo shahwadu hoggaaminayaan ee dhallintu maanta u badantahay.

Dhallintaasi waxay marar badan go’aankoodaas ku saleeyaan dareen-jacayl aan qaangaadh ahayn, taasina waa mid uun ku eg xiise iyo himmad galmaddoon. Dareenkan dooniseed ee aan tilmaamaynno waa mid ay hoggaaminayso ka feker mustaqbal iyo aayo dambe oo noloshaada wax badan go’aaminaya. Qalbigaaga la tasho, ogowna in qalbigaagu hadba sida aad u la tashato uguna fadwooto ayay ku xidhantahay jawaabcelinta aad ka helayso. Haddii aad si dhabnimo leh oo go’aan mustqableed weheliyo aad u la tashato, si dhabnimo ay ku jirto ayuu kaaga dareencelin.

2. Caqliga wax ku dooro

Labada qof ee isu dooranaya in ay nolosha ku midoobaan, safarkaa dheer ee nololeedna wada galaan, waa mihiim in ay jirto dareen gudeed oo kuu sheegaya in qofkan kugu habboonyahay iyo in kale. Hase ahaatee, halka ay ka billaabato kuna dhammaato ma aha. Waxa sidoo kale muhiim ah in aad caqligana la kaashato. Kolka qalbiga iyo caqliga la lammaaniyo, tashigana laga wada qayb-galiyo, wax badan baa saxma, waayo waxa jira wax qalbigu kaga eegmo fogyahay caqliga. Sidoo kale, waxaa jira wax dareemada qalbiga aan qofku saani u kala saari karin ilaa uu caqliga la kaashado mooyee, waxay se u baahantahay isu dheellitir.

Marar badan dadku waxay ku kaaftoomaan dareenkaa gudeed ee jacaylka oo waxay seexiyaan caqliga. Nolosha guurku kaliya ku ma taagna dareenkaa jacayl ee ay labada qofi isu qabaan e, waxay sidoo kale u baahantahay inaad caqliga la kaashato wax ka ogaianshaha waxyaabo badan oo la xidhiidha qofka diintiisa, dabcigiisa, sooyaalkiisa, iyo qofnimadiisa. Sidoo kale, waxa muhiim ah in uu qofku qiimeeyo arrimo badan oo ay ma ka mid yihiin: isusoodhawaan adduun-arag, mid qiyameed, iyo mid saqaafadeed, kuwaasoo dhammaantood qayb wayn ka noqonaya is-fahankooda qoyseed, wada-shaqayntooda, iyo wada-noolaanshahooda mustaqbaleed.

Labada qof in ay is jecelyihiin marar badan ma saadaaliso in ay sii wada-noolaanayaan. Haa, jacaylku waa xubin muhiim ah oo ka mid ah dunta isku hayn karaysa labada qof, jacayl kali ah se ku ma filna. Labada qof ee is-guursanaya waxay wataan qiyam kala duwan, adduun aragyo kala duwan, iyo hab-barbaarineed kala duwan oo qaabeeyay qofnimadooda. Hadhow kolka ay nolosha reernimo ku ballaadhato ee laga boxo sanadihii la isku dhadhabayay ee ay xaqiiqooyinka labada qof soo af-yeeshaan, waxa shaqeeya ee ay reerku ku sii wada noolaadaan waa wada-hadalka iyo is-fahanka oo iyaguna la xidhiidha qodobbada dhowrka ah ee aan kor ku xusay, oo ay tahay in ay isaga soo dhawaadaan.

Iska eeg calaamada ah cascas…….

La soco qaybta 2-aad

Qore: Mubarak Hadi

Garaadso Intaadan Guursan

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *