Talooyin ku saabsan Ramadaanka

Soonka,ducada,ramadan kariim,

Talooyin ramadaanka

1. Xus Alle SWT habeen & maalin, Badi ducada & dambi dhaafka

2. Aqri Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa

3. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Salaada Subax ugu kacdo


4. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, Qare, wax fudud. Ducayso.


5. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka

ka dib si aadan u awoodi waayin in aad Cishe & taraawiix tukato


6. Wanaaji Niyadaada, Xooji Iimaankaaga


7. Laab indhahaaga, Ka dhawrsoonow Allihi ku abuuray ee Aragaaga ku siiyay


8. Been ha sheegin, cidna ha xaman, dadka ha u gefin. Ka adkow Carabkaaga


9. Caawi Masaakiinta, Waayeelka & Agoonta


10. Ka fogow Kibir, Islaweyni, Xasad, Naceyb, Xanaaq badan, kuwani waa Sifooyin sun ah


11. La bax Sadaqo maalin kasta. Ogow hadalka wanaagsan, walaalkaa aad u dhoolacadayso, dhib aad wadada ka leexiso intuba waa sadaqo


12. Xiriiri Qaraabada, Booqo Bukaanka, Xaqdhawr deriskaaga


13. Ka har Asxaabta xun, la saaxiib dadka wanaagsan oo dhawrsoon


14. Cafi cid kasta aad wax ka tabanayso ama waxyeelo kuu geysatay


15. Alle dartii u Jooji dhamaan balwadaha & caadooyin xun hadii aad leedahay


16. Kula dhaqan dadka dabeecado & akhlaaq wanaagsan, Noqo tusaale lagu daydo


17. Daryeel Naftaada, samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta


18. Baro oo Xafid magacyada Alle SWT ee Wanaagsan & micnahooda


19. Ha u arkin naftaada in aad ka fiican tahay ama ka nasiib badan tahay dadka kale


20. Alle weydiiso mar kasta cafis, dambi dhaaf iyo naxariistiisa


21. Ka eeg dhinaca fiican dadka, ha qod-qodin hana baarin ceebahooda


22. Ku Xamdi-naq Alle nimcooyinka kala duwan uu ku siiyay


23. Ha khasaarin Cuntada iyo Biyaha, Malaayiin baan maanta heysan!


24. Hagaaji Socodkaaga iyo labiskaaga, Ha sameyn is tus-tus adigoo is leh dadka oo dhan ayaa ku soo eegaya, xusuusnow in Alle kuu jeedo xilli kasta


25. U hiili naftaada, Go’aanso Ramadaankan in aad sameynayso isbedel dhab ah & horumar balaaran oo dhinac kasta ah

Allaha kaaga dhigo Ramadaankan midkii kuugu wanaagsanaa, midkii aad Alle si dhab ah ugu dhowaato, midkii Noloshaada u horseeda Horumar iyo Guul Aduun iyo Aakhiraba

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *