Suurad Qur’aanka Ku Jirta Oo Dawo U Ah Illowshiyaha Badan Iyo Fahmo Xumida

Ma rumaysan kartaa in ay jirto suurad Qur’aanka ku jirta oo haddii aad akhrisado kaa daweynaysa ilawshiyaha (hilmaanka)?

Cajiib!! Hilmaanka iyo fahmo xumidu waa xanuun beryahaan danbe aad looga cabanayo taas oo aad arkayso qof dhalin yaro ah oo haddana markad wax weydiiso kugu odhanaya wan hilmaamsanahay ama si fiican uma xasuusto, markaan sidaa leeyahay uma jeedo yaan waxba la ilaawin ama la hilmaamin waayo ilaahay ayaa bani aadamka ku tilmaamay illowshiyo badane, balse waxan u jeedaa ilawshiyaha xanuunka ah ama xasuusta oo qofka ku yaraata sabab kastaaba ha keentee. Waxan maanta halkan ku soo bandhigaya labo qiso iyo dawadooda sida ay suuradda quraanka ahi u dawaysay.

Ibnu haashim ilahay raali haka noqde aya siiradiisa ku werinaya ( masaajidkii ibnu cabaas aya maalin waxa soo galay wiil dhalin yar ah, dharkiisuna ay wasakh leeyihiin isla markan isla hadlaya oo xaga maskaxda ka jirran( waalan) dadkii masaajidka joogay aya arkay wiilkan xanuunsanaya ee masaajidka soo galay ka dib dibada ayay u saareen. Inbu cabaas aya sheekadii maqlay oo dadkii ku yidhi muxu aha wiilkani? Waxay ugu jawaaben waa qof xanuunsan oo waalan wuxu sameynaya aan is garanayn.

Saaxiibkii rasuulka (n.n.k.h) oo ibnu cabaas ah aya yidhi iigu yeedha wiilka, marki loo keenay ayuu gacmihiisa madaxii wiilka saaray waxaanu ku akhriyay suuratu YAASIIN markii uu ku dhameeyay akhriskii ayu ilaahay usoo celiyay caqligiisii xanunkiina ka caafimaaday? Dadkii aya weydiiyay wuxu ku akhriyay ee ilaahay caqliga ugu soo celiyay wiilka? Wuxu ugu jawabay waxan ku akhriyay suuradii rasuulku ku sheegay inay tahay wadnaha quraanka. (suuratu yasin)

Sheekhul islaam ibnu taymiyah ayaa yidhi (haddii waxaan doonayo inaan xafido ay igu adkaado xifdigiisu ama markasta aan hilmaamo (xasuusan waayo) faraha ayan ka qaadi jiray waxaanan soo qaadan jiray kitaabka Qur’aanka waxanan akhrisan jiray suuratu Yasiin markan dhameeyo ayan ku noqon jiray wixii igu adkaaday ama aan hilmaamay markaan hal mar akhriyo ayan xafidi jiray). In kasta oo Qur’aanku dhamaantii hanuun iyo daawo u yahay dadka muslimka ah ayay hadana suuratu Yaasin tahay furaha maskaxda iyo daawada ilawshiyaha.

Suuradda Yaasiin waxay ja mid tahay suuradaha Quraanka kariimka ah ee makiga loo yaqaanno, waxay ka kooban tahay 83 aayadood, waxay leedahay wax gooni u ah oo ay suuradaha kale dheer tahay oo la tijaabiyay faa’iidooyin u badan ayayna leedahay.

Rasuulkeenna suuban Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee waxaa laga wariyay xadiis macnihiisu ahaa “Qofka habeenkii akhriya Suuradda Yaasiin waxa uu waaberiistaa isagoo loo dambi dhaafay, qofkii isaguna akhriya suuradda dukhaan waxaa uu ahaanayaa mid loo dambi dhaafay”

Fadaa’isha suuradda Yaasiin waxaa ka mid ah in Muxammed N.N.K.H sida xadiis lagu wariyay uu suuradaan ku magacaabay inay tahay “Qalbiga Qur’aanka”

“Qofka marwalba akhriya suuradda Yaasiin isagoo raadinaya raalli ahaan Alle, waa loo dambi dhaafaa”

“Qofka habeen kasta oo akhriya suuradda Yaasiin oo sidaa ku dhinta waxaa loo qorayaa inuu yahay qof shahiiday”

“Qofka suuratul Yaasiin akhriya toban goor waxa uu la mid yahay isagoo 10 goor Qur’aanka oo dhan akhriyay”

Walaalayaal aan ku dedaalno akhrinta suuradda yaasiin si aan uga faaidaysanno wanaagga faraha badan ee ku duuggan

Ilaahay haynaga dhigo kuwo ay anfacdo if iyo aakhriba, Aamiin Aamiin

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *