Subax Kasta Waxaad Leedahay Laba Doorasho

Waxaad dooran kartaa inaad guuleysato

Ama

Waxaad dooran kartaa inaad iska noolaato keliya oo aadan waxba soo kordhin

Hadaa doorato inaad guuleysato
Go’aansato isbedel
Ballan qaadid inaad dantaada garato
Wax kasta waa suuragal
Sababtoo ah Alle ayaa kula jira
Aqri Quraanka aroor & fiid kasta
Tuko Salaada waqtigeeda
Rejee mustaqbal ifaya.
Ogow, Gudahaaga waxaa ka buuxa karti weli dihan
Waxaad leedahay qiime aan xadidneyn
Riyadaada ayaa runtii rumoobi karta
Waad gaari kartaa wax kasta hadaa dadaal & dulqaad muujiso
Allena talo saarato.

Haddaba, haddaa rabto inaad ka horeyso asaagaa (facaa)
1. Wax baro halka kuwa kale ay wahsanayaan
2. Tuko inta ay hurdaan.
3. Xushmee dadka halka ay xamanayaan
4. Qorshe sameyso halka kuwa kale ay qayilayaan.
5. Is diyaari inta ay dib isu dhigayaan.
6. Caawi dadka inta ay caay & ceebeyn wadaan
7. Dhageyso halka kuwa kale ay doodayaan
8. Bilow inta ay iska baashaalayaan
9. Dhoolacadee halka ay waji-kaduudsan yihiin
10. Horay u soco inta ay habacsanaanta ku jiraan
11. Buug aqri halka ay banaanka ka sheekeynayaan

Sidaa darteed, dooro inaad:
Weynayso aragtidaada
Dib u tababarto maskaxdaada
Kordhiso kalsoonidaada
Soo jiidato wanaaga hareerahaaga ah
Ka faa’iideysato fursadaha faa’iidada leh ee hortaada yaal
Horay u tallaabsato maalin kasta
Isu diyaari guushaada
Aamin naftaada
Sameyso Qorshe wax qabad
Su’aal wixi aadan garaneyn
Ka fogow wixi negative ah
Waqti ha ku lumin micna darro
Joogtee wanaag sameynta & faafinta wixi kheyr ah

Noloshu way gaaban tahay. Ha hilmaamin inaad go’aansato waxaad rabto Nolosha, ku dhaqaaqdo iskana hilmaanto wixi ka soo haray.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *