Weydii Naftaada Ka Hor Intaadan Dooran Waxa Aad Doonayso Inaad Barato

takhasus, waxbarasho, aqoon,Ka hor inta aadan u guda gelin waxa aad doonayso in aad barato, mustaqbalka soo socdana aad xirfad shaqo ka dhigato, waxa habboon in aad is waydiiso waydiimahan soo socda:

1. Awood ma u leedahay waxan aad doonayso inaad barato? Si kale haddaan u dhigo, ma yahay wax hibo laguu siiyay oo aad ku wanaagsan tahay? Eebbe qof kasta wax buu u abuuray, waxaa uu u abuurayna wuu u fududeeyay. Adigoo aan xisaabta iyo fisikiska ku wanaagsanayn, ka warran haddaad tidhaahdid waxaan doonayaa inaan noqdo cir-bixiyeen (Astronaut) ama adigoo aan xifdinta ku wanaagsanayn aad tidhaahdo waxaaan rabaa inaan noqdo pharmacist? Dabcan waad baran kartaa, waad se ku dhibtoonaysaa, ku na xiiso gelin mayso sii horumarinteeda. Baro waxa uu Eebbe kuu fududeeyay ee aad ku fiican tahay, iyadaad heer iyo horumar ba ku gaadhi kartaa.

2. Ma jeceshahay waxa aad doonayso in aad barato? Ma danaysaa, danayn kaliya maahee, ma jamataa oo aad ma u jeceshahay waxa aad doonayso inaad ku takhasusto? Ma xiisaysaa oo xilliyada aad wax aqoontaa ku saabsan akhriyayso ama aad dhagaysanayso ma isku illowdaa? Waxa aad baranayso ma yahay wax aad is leedahay 70 ka sano ee soo socda – hadduu Eebbe ku gaadhsiiyo, subaxna dhibsan maaysid in aad u kallahdo ka shaqaynteeda?

Qofku waxa uu jecelyahay uun buu wanaajin karaa, ummadda ugu adeegi karaa, aqoon cusub na kusoo kordhin karaa. Wax aanad jeclayn marka aad baratana, inaad cid kale uga faa’iidaysid iska daaye, naftaadaad isku dhibsanaysaan.

3. Ugu dambayn, is waydii waxan aad baranayso in ay fursad shaqo leedahay ama ay baahideedu taagan tahay. Illeen marka aad jaamacadda sidaa uga soo baxdo, waxaad doonaysaa inaad ku hawl gashee, ma yahay wax ay baahideedii taallo? Mararka qaar xitaa waxaa habboon in aadan kaliya ka fekerin taagantee, aad xitaa kasii fekerto 20 ama 30 sano ka dib xirfaddan ama aqoontan aad baratay baahideedu masii jiraysaa.

W/Q: Ustaad Mubarak Hadi

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *