Sirta Quruxda Maqaarka!! Ma maqashay Wali Collagen?

Collagen kollajeen waa maadda “Protein” brootiin ah oo jirkeenna kujira maaddadaa oo qaabilsan arrimo badan sida:

  • Xoojinta maqaarka iyo tinta
  • Xoojinta ilkaha ,cidiyaha iyo lafaha
  • Kobcinta diffaaca jirka
  • Caafimaadka Wadnaha

Hadaba sirta quruxda maqaarka inbadan waxa ay kuxirantahay qofka inuu kobcisto maaddadaan, markasta qofka da’diisu korodho waxaa is dhima kollajenka jirkiissa sidaa darteed qofkii calaamadaha gabowga ayaa kusoo dagdaga haddii uusan diffaac galin oo cunnooyinka laga helo maaddada kollajenka badsan sidoo kale ilkaha cidiyaha wadnaha waxbadan ayuu kasheegtaa marka  ay maadadu is dhinto , waxay kaloo maadadan oo is dhinta ay keentaa qofkii oo nabar yar inta uugaaro jirkiissa oo misna dhakhsidiiba bogsan wakhti ay in nabarkii uu bogsado.

Alaabaha aan usameeyo walalaha waxaan kudadaalaa inay noqdaan kuwa Collagen leh oo maqaarkeenna iyo tintuba caafimaad ukordhiya balse alaabta marsashadooda kaliya kuguma filna waxaad ubaahantahay xagga cunidda inaad iska xoojiso.

Cunnooyinka laga helo maadadaan iyo qaabka loo kobcisto:

Ukunta (baydka) hilibka, digaagga, kalluunka, fruitska sida kuwa looyaqaan kiwi, strawberry iyo orange ka (liin banbeelmada).

Waxaa jira kaniini iyo irbado kobciya maaddadaan balse waa in qofka dhakhtar uqoraa .

W/Q: Faatii Maxamed Cismaan

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *