Sii wad in aad Wanaag sameyso si kasta uu Xaalku yahay…

1. Haddii aad Dadka u qabato wax badan, waxay mar kasta ka hadlayaan wixi aadan u qaban, sii wad waxqabadka si kasta oo Xaalku yahay

2. Haddii aad tahay qof daacad ah oo Naxariis badan, waxaad arkeysaa dad badan oo ku qiyaamaya, sii ahow Daacad naxariis badan si kasta oo Xaalku yahay

3. Haddii aad Guuleysato waxaad yeelanaysaa Saaxiibo been ah oo dano gaara kuula socda iyo cadow badan, sii wad in aad Guulo kale gaarto si kasta oo Xaalku yahay

4. Haddii aad is tiraahdo xumaan reeb wanaagana dadka far, waxaa dhacaya in dad badan ku dhaliilaan, sii wad in aad xumaanta reebto si kasta oo Xaalku yahay

5. Haddii aad Kun Wanaag ah u sameyso, dadku waxay mar kasta kuu qabanayaan oo sii wad-wadayaan hal Qalad aad sameysay, sii wad in aad Wanaag sameyso si kasta oo Xaalku yahay

6. Wax aad Sanado badan dhisaysay ayaa Qof ama dad ku baabi’in karaan hal maalin, sii wad in aad dhisto si kasta oo Xaalku yahay

7. Haddii Qof aad Abaal badan u gashay uu ku inkiro ama ku xumeeyo, sii wad in aad Abaal gasho si kasta oo Xaalku yahay

8. Haddii qof aad Caawisay wax badan kugu caasiyo ama ku caayo, sii waad in aad Caawiso si kasta oo Xaalku yahay

9. Hadii aad Darajo ku gaarto dadaalkaagi iyo doonidaadi, dadku way ku xasdayaan wayna kaa maseerayaan, sii wad dadaalka iyo doonida si kasta oo Xaalku yahay

10. Haddii aad si degan u hadasho, si tartiib ah u socoto dadku waxay ku oranayaan muxuu ahaa waxan suuxsan ama waa qof jilicsan, sii wad daganaanta iyo dabeecad wanaaga si kasta oo Xaalku yahay

11. Haddii aad samafal u sameyso dad masaakiin ah ama masaajid, dadku waxay oranayaan waa tuug, hab uu wax ku gurto ayuu rabaa, sii wad samafalka iyo gargaarka si kasta oo Xaalku yahay

12. Haddii aad is asturto oo xijaabato, qaar baa ku oranaya belaayo ayay la duu-duuban tahay, waa dhaqan kale waxan, ilbax maaha, sii wad in aad Xijaabato oo is asturto si kasta oo Xaalku yahay

13. Haddii qof aad si dhab ah u jeclayd oo wanaag la jeclayd uu cidla kaaga dhaqaaqo ama ku dhibaateeyo, sii wad in aad Cafiso, kheyrna u rejyso si kasta oo Xaalku yahay

14. Haddii qof xanuunsanayay oo Qodaxi muday aad tiraahdo keen qodaxda kaa saaree, waxaa laga yaabaa in uu markaa caafimaado oo ku yiraahdo, “ma anigaa mashruuc igu soo qaadatay ama sheekadaadu waa igu sawir” sii wad in aad Ixsaan u sameyso si kasta oo Xaalku yahay

Si kasta oo ay tahay Xaaladu, si kasta oo ay dadku yihiin sii wad Wanaaga iyo sameynta wax Kheyr ah

Xusuusnow Tani waxay u dhaxeysaa Adiga iyo Alle, marnaba uma dhaxeyn Adiga iyo Iyaga!

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *