Sida Ugu Fiican Ee Loo Xaliyo Khilaafka Lamaanaha

Ma jiro maanta lamana helayo qoys aan is khilaafin haba kala darnaadaane laakiin mushkiladdu waxay tahay qaabkii iyo sidii loo xalin lahaa.
dhibaato meel ka dhacdaana ninba meel bay si gooni ah uga saameysaa maxay u dhaceen lama yidhaahdee waa sidee loo xalliyaa!!
… Nasiib darradu waxa weeyaan in khilaaf midka u hooseeya loo kala hijroodo waxaaba dhici karta in zowjadu ay aaddo aqalkooda waayo cadhadu waxay indha tirtaa qofka,mana maqlo ilaa sowdka sheydaanka iyo waswaaskiisa mooyee,laakiinse qofka wuxuu ka shalaayaa waqti ay shalaayto wax tareyn maxaase ka khasaaro badan inaad weydid gurigaada, waxaa halheys u ah dumarka soomaaliyeed naag la furay fadhi uma yaalo iyo ma feer baa iga jabi haddii la I furo.
Allah subxaanahu watacaallaa shey xalaal ah wuxuu uGu caro badan yahay furriinka,
adiga waxba kaa halaabi maayaan balse eeg caruurtaada qalbi jabka ku dhacaya marka hooyadood nin kale guursado, adiga waad farxsan tahay ha yeeshee caruurtaada waxaa maskaxdooda ka ololaya dabkii qalbi jabka .
Haddii aad aragtid zowjkaada oo cadheysan oo qeylo dhagaha kuugu shubaya Aaamusnoow aamusnoow !!!!!!!!!
xitaa haddii qalbigaada ciil iyo cadho uu la qarxi rabo badso isticaadada sheydaanka iska naar waayo aamuskaada wuxuu albaabka ka xidhaa sheydaanka.
sheydaanka wuxuu ku leeyahay la hadal bes oo wax fahamsii laakiin ogoow nin careysan inaadan wax fahamsiin Karin sheyaadiinta waxay u dhow yihiin qoyska khilaafka badan oo markiba dab fidno ayay ku afuufaan.
walaasheey raga dabeecad casaba ah bay leeyihiin badanaa haddeey cadhoodaan makala garanayaan hor iyo gadaal, hadii adigana aad tahay mid aan aamusi Karin isaga bax qolka oo aad qolka kale haddiise aad tahay mid dulqaad badan isku day raalli gelintiisa.
Allah subxaanahu watacaallaa weydiiso inuu kuu furo qalbiga zowjkaada .
walaashiin

W/Q: WQ:Fadumo Geedi 

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *