Sida Jaceyl Loogu Abuuro Gabadha Fariidda ah!

Sida loo kasbado gabadha fariidda ah:

Gabadha maskaxda badani waa ta awood u yeelata in ay dareenka iyo xiisaha ninka ay ku soo jeediso wax kasta oo ay qabanayso, waxa ay ku guulaysataa in ay si joogta ah isaga dhigto cidda qudha ee uu ninkeedu ku fikiro dareenkiisa oo dhamina daneeyo. Laakiin dhibta ay gabadha garaadka badani (Fariiddu) leedahay waa iyada oo inta badan isku mashquulisa bal in ninkeedu la mustawe yahay dhinaca jacaylka iyo danaynta, iyo xataa dhinaca maskaxda iyo fariidnimada waxa aanay tan kala baxdaa qaabkiisa sheeko.

Haddii aad in uun ku fikirayso in aad guursato gabadh maskax badan adiga oo dareenkeeda iyo caqligeedaba kasbanaya waxa talo laguu siinayaa in aad qaaddo tallaabooyinkan soo socda, waxa aad arki doontaa adiga oo si rasmi ah u degey qalbiga fariidda.

Wargeyska Al-Qabas ee ka soo baxda dalka Kuwait ayaa arrintan ka qortay daraasad aad u xiiso badan oo aynu qodobbadan ka soo qaadannay:

Ha khiyaamayn:

Marka aad la joogto ha isku deyin in aad isu muujiso nin garaad badan, aqoon dheer leh, ha sheegan in aad ka jawaabi karto wax aanad aqoon ahaan garanayn, haddii ay tani dhacdo, waxa hubaal ah in ay si fudud kuu fahmi doonto, mar labaadda haddii gabadha fariidda ahi aragto ninka oo doonaya in uu isu dhigo inuu la mustawe yahay ama ka garaad sarreeyo waxa ay markaba gasha xaalad colaadeed iyo in ay difaacato waxa ay aragto in ay dheer tahay ninka ee aqoon ah, garaad ah ama waayo aragnimo ah.

Iska jir ereyada nafta kaga taga raadka taban:

Waxa talo laguugu siinayaa in aanad gabadha garaadka badan isaga dhigin in aad la siman tahay ama ka sarrayso, laakiin iska jir, dhanka kalana waxa laguugula talinayaa in aanad iska dhigin doqon wax ma garato ah, adiga oo og in aad gabadha ka garaad hoosayso ama ka aqoon liidato haddana iska jir in aad u isticmaasho ereyada ah, Aaad ayaad u garaad badan tahay. Fariidnimadaada ayaa I qancisay. Waxa halis ah, marka ay gabadhu ku soo jeediso talo ama aragti in aad in badan ku celceliso “Weligayba taasi maskaxdayda kuma soo dhicin, xataa haddii ay run kaa tahay, ereyadani inta kasta oo marka aad eegto isticmaalka duleed ay aad u fiican yihiin, haddana waxa jira in ay saamayn taban kaga tagto nafta. Waxa ay khubarada cilmi nafsigu xusaan in haddii ninku in badan gabadha ku celceliyo ammaanta maskaxdeeda (iyo Fariidsanidaa) in ay markaba gabadhu qaadato dareenka ah in aanu ninkani abid soo baran qof iyada ka garaad badan, taasina waxa ay iyada dib ugu noqotaa niyad jab iyo in ay guursatay qof aad uga mustawe hooseeya.

Noqo Faduuli:

Khubarada Cilmi nafsigu waxa ay sheegeen in gabadha fariidda ahi mar walba qabto dareen abuur ah oo u sheegaya in ninku uu dhaqan ahaan, fikir ahaan iyo aqoon ahaanba yahay faduuli. Sidaa awgeed talada la siinayo ninka jecel in uu hanto gabadha fariidda ahi waa in uu muujisto faduulinimo. Naftaada ku beer xiise badan oo aad ku muujinayso sida aad u jeceshay barashada waxyaabo badan oo cusub, uga sheekee khibradahaaga farsamo iyo waayo aragnimadaada iyo waxa aad jeceshay in aad mustaqbalka soo kordhiso. Marka aad la hadlayso gabadha fariidda ah ama xataa gabadh kale oo kasta waxa laguugula talinaya in aad ka gudubto sheekooyinka iyo su’aalaha soo jireenka ah, waxa aad ku dadaashaa in aad sheekadaa ka dhigto mid heerkeedu sarreeyo oo lagaga dhadhansan karo in qofka ku hadlay yahay qof garaad badan. Tusaale ahaan haddii gabadh aad u aragto mid caqli iyo fariidnimo badan aad la kulanto weydii sababta ay ku dooratay mihnaddeeda ama aqoonteeda (Tusaale ahaan maxaad ku dooratay barashada sharciga, ama maxaad ku xiisaysay in aad siyaasadda aad u dhex gasho), waxa aad ka waraysataa raadka ay qoyskooda ku yeelatay aqoonteedu ama aragtideedu. Waxa hubaal ah in marka aad gabadha weydiiso su’aalo ka duwan kuwa caadiga ah ee ragga kale weydiiyaan ay isla markaba bilaabayso in ay ku xiisayso. Isku day in aad ka sheekayso sheekooyin gabadha u muujiya in ay kaa mustawe hoosayso garaad ahaan iyo waayo aragnimo ahaan, xataa haddii aad casho geyso isku day inaad siiso cunto aanay hore u aqoonin, waxa aad ogaataa in guud ahaanba dadka aqoonta leh iyo dadka garaadka badani ay yihiin dad jecel in ay mar walba tijaabiyaan wax cusub.

Run ka sheeg waxa aad og tahay:

Marka aad la kulanto gabadh aad dareento in ay maskax badan tahay, waxa hubaal ah in bilowga hore ay kugu adkaan doonto inaad la dooddo ama aragtiyo iska soo horjeeda aad is dhaafsataan, laakiin tani ma’aha fikrad sax ah, marnaba ha quusan, waxa aad ogaataa in dabeecadda bani’aadanku si kasta oo ay u kala duwan tahay ay meel uun isugu timaaddo, tusaale ahaan maxaa diidaya in aad isku hiwaayad noqon kartaan, in aad isku filimo xiisaysaan, in aad isku buug akhriskooda xiisaysaan, iyo waxyaabo kale oo badan oo la mid ah, ayaad ka faa’idaysan kartaa kana dhigan kartaa bar bilawga dooddaada iyo sheekada aad la yeelanayso gabadha aad bidayso in ay kaa aqoon ama garaad badan tahay. Haddii ay dhacdo intan oo dhan in aad ka weydo meel aad isugu timaaddaan, weli ha quusan, bilow doodda oo u muuji in ay arrimahaas kaaga wanaagsan tahay, balse ha is dhiibin ee qudhaadu tus meelo badan oo kale oo aad kaga aqoon iyo waayo aragnimo badan tahay.

Kalsoonida Naftu waa tilmaamta ugu muhiimsan:

Ha isku koobin in aad qalbiga gabadha fariidda ah u marto hababka aynu hore u soo sheegnay oo keliya, waxa aad ogaataa in nin ahaan ay adiga kugu waajib tahay inaad naftaada kalsooni badan ku qabto, kalsoonida naftu waa tilmaamta ugu fiican ee nin yeesho, gaar ahaan waxa ay ku fiican tahay in ninka laga dareemo kalsoonidan marka uu la macaamilayo gabadha. Waxa hubaal ah in gabadhu ay sideedaba jeceshay ninka kalsoonida badan isku qaba ee duruuf kastaa oo timaaddaa aanay gil-gili karin raganimadiisa.

Gabadha fariidda ah ragga badh ayuun baa jecel:

Ragga qaar ma jecla in ay gabadhu noqoto sida aalad qaaliya oo ay daawadaan keliya marka ay guriga ku soo noqdaan iyaga oo daallan. Linda Johnson oo ah macallimad ku takhasustay cilmiga bulshada oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa mar ay arrintan ka hadlaysay waxa ay tidhi, “Ragga Caqliga badani waxa ay raadiyaan gabadh fariidnimo badan, gabadh ku garab istaagi karta halganka maalinlaha ah ee nolosha, gabadh aan kibir badnayn oo inta badan ku dadaasha in ay ninkeeda ka fududayso culayska nolosha”

Linda Johnson oo ugu dambayntii dumarka ku canaananaysay in ay badanaaba isku dayaan in ninka ay wanaaggooda oo dhan u soo horumariyaan xilliga is barashada guurka marka la isla gaadhana ay soo baxdo dabeecadahooda xun iyo waxyaabo badan oo bilowgii u qarsoonaa, ayaa ku talisay; In dumarku ay ku dadaalaan bilowga hore ee is barashada ninka in ay wax badan qarsadaan, wanaggooda badankiisana ka dhigtaan sir, si guurka kadib ay ula soo baxaan oo ay ninka ugu noqoto lama filaan iyo arrin ku beerta jacayl badan. “Waa taas fariidnimada dhabta ah ee gabadhu” ayey tidhi aqoonyahanaddani.

Raggu waa ay ka baqaan gabadha Fariidda ah:

Daraasado badan oo lagu sameeyey arrimaha bulshada ayaa caddeeyey in badanaaba raggu ka baqaan dumarka garaadka badan ama lagu tilmaamo fariidda, daraasadahan ayaa muujiyey in raggu aanay guurka iyo haasaawahaba kula deg degin gabadha fariidda ah, mararka qaarkoodna ay dhacdo in ay xaqiraan una arkaan qof aan sidaa u muhiim ahayn. Laakiin taas sababteedu aanau ahayn ceeb dhinaca gabadha ah, balse ay tahay baqdin iyo cuqdad nafsi ah oo ninku uu ka qabo gabadha ka garaadka ama aqoonta badan.

-Kamaal Marjaan

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *