Calaamadaha Gabadha Sida Dhabta Ah Kuu Jecel Ee Guurkaaga Rabto

Maxaa ka fiican inaad nolol la wadaagto qof si dhab ah kuu daneeya oo ku jecel adiguna aad jeceshahay? Marka aad hesho qof ku jecel oo ku daryeela noloshu waxa ay noqotaa mid farxad leh. 

Si kasta ha ahaatee, helidda qofkaas waayahaan dambe waa ay adkaatay sababtoo ah waxaa soo batay xiriirada khiyaanada, iyo danaysiga ku dhisan. Xittaa haddii aad la kulanto qof u muuqda in xiriirku dhab ka yahay, marmarka qaar waxaad dareemaysaa shaki. 

Waxaad u baahan tahay inaad isweydiiso, si dhab ah may kuu danaysaa? May ixtiraamtaa adiga iyo qoyskaaga? May kugu dhiirragelisaa gaarista himilooyinkaaga? Shuruud la’aan may ku jeceshahay? Hagaag, waxaa jira calaamado ku tusinaya hadii gabadha aad la haasaawdo ay mudan tahay inaad guursato. 

Haddaba warbixintan waxa ay soo bandhigaysaa calaamadaha lagu fahmo gabadha sida dhabta ah kuu danaysa ee mustaqbalka kaa rabta ee ay tahay inaadan sii deyn. Si akhri, si aad u ogaato calaamadahaas. 

Mar kasta waa ay ku barbar istaagtaa: 

Waxa ay ku kalsoon tahay kartiyahaaga mar walbana way ku barbar istaagtaa, xittaa haddii dadka kale oo dhan ay kuu arkaan qof fashil ah iyadu way ku taageertaa. Waxa ay jeceshahay horumarkaaga waxayna kugu dhiirragelisaa sidii aad gaari lahayd yoolashaada. 

Waa ay kuu kalsoon tahay: 

Kalsoonidu waa xabagta ama koollada isku haysa xiriirada. Haddii aysan kalsooni jirin xiriirku ma noqon karo mid adag. Hadddii gabadha uu haasaawuhu kaala dhexeeyo ay kalsooni dhab ah kugu qabto waa calaamad kuu caddeynaysaa inay mudan tahay inaad guursato. 

Waa ay kaaga mahadcelisaa dedaalkaaga: 

Waa ay qiimaysaa dedaalkaaga, waxa ay ogtahay inaadan juhdi gelin keliya sidii aad mustaqbalkaaga uga dhigi lahayd mid ifiya balse sida oo kalena aad ku dedaadsho sidii xiriirkiinnu uu noqon lahaa mid adag oo aan si fudud ku burburin. 

Si dhab ah ayay kuu danaysaa: 

Haddii gabadha aad la haasaawdo ay danayso caafimaadkaaga ayna kugu dhiirrageliso inaad ku dedaasho fayow-qabkaaga, taasi waxa ay ku tusinaysaa inay si dhab ah kuu dananayso. Tani macnaheedu waa inay mudan tahay inay guursato. Waxa ay kuu daryeeli doontaa sidii ay hooyadaa kuu daryeeli jirtay. Waxa ay kugula dedaalaysaa cunnooyinka caafimaadka uroon, waxayna kaa ilaalinaysaa waxyaabaha aad xasaasiyadda ku qabto. 

Waxa ay ku dedaashaa inay ku farxad geliso: 

Waxa ay had iyo jeer isku daydaa inay ku farxad geliso, sida inay si lama filaan ah ay kuugu samayso cunno aad jeceshahay, inay kuu labisato iwm. Farxadaadu ahmiyad wayn ayay u leedahay markastana waxa ay ku dedaashaa inay ku farxad geliso. 

Mustaqbalka: 

Waxa ay kaala sheekaysataa qorsheyaashiinna mustaqbalka.

Qoyskaagu waa qoyskeeda: 

Qoyskaaga waxa ay u aragtaa qoyskeeda, way jeceshahay inay barato qoyskaaga, wayna sharaftaa. Hooyadaa waxa ay aragtaa hoyadeed aad ayayna u qadarisaa. 

Waxa ay kula dedaashaa inaad ka wanaagsanaato sida aad tahay: 

Waxa ay jeceshahay inay kugu caawiso sidii aad u noqon lahayd qof ka fiican qofka aad tahay maanta, waxa ay kugu dhiirragelisaa inaad wax cusub barato maalin walba, waxa ay kugula dedaashaa sidii aad u hagaajin lahayd qaab nololeedkaaga, islamarkaana aad iskaga goyn lahayd ama uga fogaan lahayd caadooyinka xun.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *