Sababta Loo Sameeyo Qalliinka Lagu Saaro Beer Yaraha (Cholecystectomy)

Beer yaraha waa xubin yar oo kutaala dhinaca bidix ee ubucda, feeraha hoostooda. Xubintaan waxay door wayn ka ciyaarta hab dhiska difaaca ee jirka, waxayna la dagaalantaa infekshanka. Waxay kaloo ka saartaa dhiiga unugyada duqoobay ee dhiiga cas.

Hadaba marka laga fursan waayo in la saaro beeryarada waxaa la sameeyaa qalliin loo yaqaano splenectomy. Badanaa waxyaalaha sababa in lasaaro xubintaan muhiimka ah waxaa kamid ah, infekshanada qaar, beeryaraha oo cabirkiisu waynaado, ama in ay kaankaro ku dhacdo beer yaraha.

In lagaa saaro beer yarha waxay wax yeelaynaysaa hab dhiska difaaca jirka. Sidaa daraadeed marka lagaa saaro beeryarada waxaa ku yaraanaya jirka awoodi uu jirkaagu iska caabiyo infekshanada, waxaad  kaloo ubaahan kartaa  in sanad walba lagu tallaalo si jirkaagu iskaga celiyo infekshanada.

Waa maxay sababaha dadka looga saaro beer yaraha?

Waxaa jiri sababo badan oo dhakhtarku uu ku go’aansan karo inuu kaa saaro beeryarada, waxaa kamid ah sababahaas;

Jiritaanka jiro dhiiga ah: Waxaa khasab noqon karta in lagaa saaro beer yaraha hadii aad qabtid xanuunada dhiiga ku dhaca sida, sickle cell anemia, hemolytic anemia, idiopathic thrombocytopenic purpura, ama polycythemia.

Hadii beer yaraha uu ku waynaaday: Arintaan waxey keeni kartaa iney xirto ama burburiso unugyada dhiiga ee caafimaadka qaba jirkuna u baahan yahay taasoo keeni karta in dhiigu ku yaraado qofka, sidoo kale waxey keeni kartaa dhiig yari, iyo in si sahal ay in infekshada qofka ugu dhacaan..

Beer yaraha oo dilaaca: Arintaan waxey qasbeysaa in si degdeg ah lagaaga saaro waayo waxaa dhacaya dhiig bax ubucda gudaheeda, kaasoo dhimasho keeni kara hadaan la saarin beer yaraha.

Kaankaro: hadii beer yaraha uu ku dhaco kansar waxaa qasab ah in la saaro waayo kansarka beeryarahu wuxuu sababi karaa in uu beeryaradu waynaado ama dilaacdo.

Infekshanada qaar: Infekshanada qaarkood waxay noqon karaan kuwo aan lagu daweyn karin qalajiyaasha, waxayna sababi karaan in beeryarahu caabuqdo kadibna uu galo gudaheeda dheecaano uu caabuqo sababay taasoo aakhirka keeni karta inuu dilaaco ama ay saamayso xubnaha ku dhagan.

Waa maxay faa’idooyinka laga helo qalliinkaan?

Saaritaanka beeryaraha waa qalliin aan sahlanayn oo culus, sidoo kale waxaan horay usoo sheegnay in beer yarahu door wayn ka ciyaaro habdhiska difaaca jirka, sidaa darteed hadii la saaro beer yarahaa waxaa iska cad in habdhiska difaaca jirku uu daciifayo, hadaba marka dhinacaas laga fiirsho qofna uma fiicna in beer yarahiisa laga saaro laakin waxaa mararka qaar lama huraan noqo karo in lasaaro beer yaraha.

Hadii ay kusoo marto marxalad lagaaga saarayo beer yaraha waxaad xaq u leedahay inaad dhakhtarkaaga waydiisid sababta lagaaga saarayo beeryarada.

Faa’idooyinka laga helo saaritaanka beeryarada waxaa kamid ah inay xaliso arimo badan oo aan lagu xalin karin daweenta caadigaa, waxyaalaha ay saaritaanka beeryaraha xaliso waxaa kamid ah, beeryaraha waynaaday, infekshanada, kansarka,beeryarada dilaacda. Mar marka qaarkoood in lagaa saaro beeryaradu waxay badbaado u tahay naftaada.

Waa maxay khatarta ka imaan karta qalliinkaan?

  • In xinjirow uu ku sameesmo xididada dhiiga ka qaada beer yaraha oo geeya beerka
  • In eerno ku samaysmato meesha qaliinka lagu samaynayo
  • In infekshan ku dhaco gudaha ubucda
  • In sanbabada isku soo dumaan ama isku dhex dhacaan
  • In xubnaha kale ee u dhaw beeryarada ay dhaawacmaan sida, caloosha iyo  mala wadka.
  • In dheecaan carun ah ku samaysmo ubucda

Check Also

xasaasiyada, xajiinta, hindhiso,

Noocyada Xasaasiyada Ama Xajiinta, Sababaha Keeno & Sida Looga Hortago

Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *