Sababaha Loogu Dardaarmo Cunista Boorashka

Boorashka waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu caansan ee lagula taliyo dadka maadaama oo uu caawiyo miisaan dhimista isla markaana uu leeyahay faa’idooyin cunto iyo caafimaad oo tiro badan.

Dr. Maxamed Xilmi oo ku xeeldheer nafaqaynta dawada ah buurnimada iyo caatowga ayaa mar uu la hadlay wargeyska ‘Caajil’ eek a soo baxa dalka Sucuudiga waxa uu sheegay in boorashku uu ka mid yahay cuntooyinka aasaaska u ah nidaam kasta oo is dhuubis ah, waayo waxaa aad u yar kalooriska ku jira; koobka keliya ee boorashka ah waxaa ku jira 130 kalooris ah, waxa kale oo uu hodan ku yahay ganka nafaqaysan, barootiinta iyo dufan aad u yar.

Dr. Xilmi waxa uu intaas ku daray in boorashku uu caawiyo nidaaminta kalastaroolka dhiigga iyo yaraynta khatarta cudurka macaanka isla markaana uu jidhka ka saaro kalastaroolka dhibaatada ku keeni kara.

Cilmibaadhiso kale ayaa daahfurtay in boorashka ay ku jiraan maaddooyin jidhka ka ilaaliya kansarka, gaar ahaan noociisa ku dhaca naaska. Waxa kale oo boorashka laga helaa maaddooyinka liddi ku ah mariidka/sumowga cuntada oo wadnaha ka ilaaliya maaddooyinka dhibaatada caafimaad ku keeni kara, isaga oo sida oo kalana xoojiya habdhiska difaaca jidhka.

Dr. Muxamed Xilmi waxa uu shahaadada labaad ee jaamacadda ku haystaa cilmiga nafaqaynta dawada ah iyo raadadka ay ku leedahay daweynta buurnimada. Waxa aanu xubin ka yahay jimciyadda Maraykanka ee buurnimada iyo sida oo kale jimciyadda Masar ee nafaqaynta caafimaadka ah, iyo jimciyadda Yurub ee nafaqaynta dawada ah.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *