Sababaha Looga Digo Qaab-Jiifka Xabad Xabadka

Xaqiiqadu waxay tahay waan ku faraxsanahay inaan helno wax hurdo ah sababtoo ah waxaa batay mashquulka nolol maalmeedkeena, run ahaanti waxaa jira dhinacyo loo seexdo oo ku siin kara hurdo wanaagsan

Ma xuntahay in loo seexo xabadxabad?

Jawaabta oo gaaban waa HAA. In xabad-xabad loo seexdo waxay hoos udhigi kartaa khuurada, iyo naqaska oo qufka ku xirma, laakin waxay culeys saareysaa dhabarka iyo qoorta, waana arin horseedi karta hurdo xumo iyo raaxa la’aan xiliga maalinti oo dhan, dumarka uurka leh waxaa lagarabaa iney taxadar dheeri ah ka sameeyaan habka ay uu seexdaan ayagoo ka fogaanaya iney useexdaan xabad-xabad.

Waxay ka bilaabaneysaa dhabarka:

Dad badan oo ujiifsada xabad xabad waxay dareemaan xanuuno qaar, hadii ay ahaan lahayd qoorta, dhabar, kala goysada, xanuunkaan waa mid saameyn kara xaddiga hurdo ee uu qofku heli karo, xanuunka oo bato waxay ka dhigan tahay in qofka uu hurdada ka soo tooso, iyo in qofku uu dareemo nasiino la’aan.

Xabad-xabad oo loo seexdo waxay saareysa culeys dhabarka iyo xangulaha, sababtoo ah qeybta dhexe ee jirka waa meesha ugu badan ee culeyska jirka uu ku jiro, arintaan waxay khalkhal galineysaa dhexdheednimada booska xangulaha xiliga qofka uu jiifo

Cadaadis oo lasaaro xangulaha waxay badineysaa cadaadis soo fuula dhismayaasha kale ee jirka, xangulaha waa tuubo ay ka buuxaan dareemayaan, hadii cadaadis uu korana waxay sababi kartaa xanuun ka dhasha meela badan oo jirka ka mid ah

Kadib waxaa ku xiga qoorta:

Dadka u jiifsado xabad xabad, si ay u helaay hawo ay neefsadaan waa iney u jeedsadaan dhinac, taasna waa arin meesha ka saareysa isku toosnaashada qoorta iyo laf dhabarka, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin marka ugu horeysa ee aad ujiifsato xabad xabad, laakin waxaad dareemeysaa hadii aad marar badan ujiifsato.

Digniin khaas ah oo ku socota dumarka uurka leh:

Hooyada uurka leh waxay u hurudaa laba noole, sidaa darteed waa muhiim in ay hesho hurdo tayo wanaagsan leh, waxaa arin lala yaabo ah in hooyada uurka leh ay ujiisato xabad xabad xiliga dambe ee uurka, sidoo kale waa muhiim in hooyadu aysan ujiifsan xabad xabad qeybaha hore ee uurka, culeyska dheeraadka ah ee uurka wuxuu cadaadis badan saarayaa dhabarka. Warbixin lagu daabacay joornaalada caafimaadka mid ka mid ah ayaa sheegaya in hooyadu ay ujiifsato dhanka bidix iney kor u qaadeyso qulqulka dhiigga, iyo in tayada oksijiinka.

Badal kale ma jiraa?

Ka waran haddii aad waligaa u jiifsan jirtay xabad xabad, oo aad heli karin hurdo wanaagsan hadii aad dhinac kale ujiifsato? Waxaa jira talooyin kugu caawin kara inaad ka hortagtid dhibaatooyinka dhalan kara

  • Isticmaal barkin khafiif ah ama jiifo barkin la’aan, barkin la’aan waxay kaa caawineysaa inaad u jeediso wajiga dhinacyada ayadoon culeys saareyn madaxa iyo qoorta
  • Barkin hoos dhig miskahaaga, tani waxay kaa caawineysaa in dhabarkaaga uu ahaado meel dhexdhexaad ah, si cadaadiska looga qaado xangulaha
  • Iskala bixi subaxdi, si aad isugu soo toosid kalagoys yada oo aad u kala bixisid murqaha caawinaya

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *