Sababaha Keena Gariirka Gacmaha

Gacmaha oo ku jareeyo markaa wax culus qaadid ama muddo kor u haysid waxay ka timaadaa daal ku yimaado murqaha gacmaha, sababtoo ah jirka bini’aadanka dhaqaaq kasta oo uu sameeyo waxuu ku shaqeeyaa dheecaano iyo macdan jirka u kala gooshta, haddii muruqa uu muddo shaqo ku jiro ama taagnaado ama kala jiidsanaado, waxaa yaraado ama hoos u dhac ku yimaada waxyaabihii muruqa ka shaqaysiinaayay, sidaas awgeed muruqa wuu daalaa, kontaroolka ayaa ka luma, jarays ayaana la dareemaa, waxyaabaha jarayska nuucaan keeno waxaa ka mid ah hadduu qofka muddo dheer wax ku siday ama shaqo muddo qaadanayso uu gacmaha ku qabanayay.

Waxuu eebe ugu tala galay in murqaha jirka ay shaqada kala sugaan ama is nasiyaan, tusaale markuu qofka socdo wuxuu adeegsadaa laba lugood, marba lug ayuu ku dhaqaaqayaa, meesha tan kale ay samaynayso nasasho “relaxation” si ay u hesho tamar murqaha ay ku kala baxaan mar kale.

Sidaas awgeed markuu qofka wax culus wado, hal gacanne uu ku sido, gacanta marka ay daasho si la tashi la’aan ah, maskaxda waxay amar ku bixisaa in gacanta kale lagu wareejiyo culeyska, laakiin haddii labada gacmood wax culus aad ku wadid, jirka wuxuu isku dayaa inuu culeyskaa xambaaro illaa inta aad ka dhigaysid, kadib ayaa murqaha waxay dareemaan daal aan caadi ahayn oo uu la socdo jarays iyo gacmo hur.

In dhakhso aad dareentid gariirka ama jarayska gacmaha waxay kaloo ku xiran tahay awoodda jirkaaga iyo nafaqadaada, haddii aad awal murqo xanuun qabtay ama jirkaagu uu tacbaan ahaa si dhakhso ah ayaad u daalaysaa, waadna dareemaysaa jarayska.

Waxaa arrinaan si aad ah u dareemo dadka qaado biraha ama walxaha lagu jimicsado ama dadka qabo shaqooyinka culculus.

Marmarka qaar jaraynta waxaa la dareemaa adigoo wax culus aadan qaadin laakin gacanta aad hal boos ama hal si aad u haysid in muddo ah sida adigoo qalin wax ku qorayo nasiino la’aan ama koob aad kor heysid muddo dheer, tanne waa sidoo kale waxay keentaa daal ay dareemaan murqaha yaryar ee gacmaha, waxaana dareemaysaa jarayn ama laleemo loo yaqaano “Postural tremors”

Tusaale: haddii lagu dhaho gacanta kor ugu haay koob biyo ku jiro, muddo kadib gacantii way daalaysaa wayna jaraynaysaa, biyaha ku jirane way daadanayaan. Daalka noocaas oo kalane waa laga dareemaa maskaxda hadduu qofka muddo maskaxdiisa ka shaqaysiiyo wuu isku dardarmaa, hadduusan maskaxda nasiino siinin sida soojeedka badan iyo fakarka badan.

Wuxuu kaloo qofka gacmaha ka jareeyaa markii uu gaajoodo ama sokorta jirkiisa ay hoos u dhacdo, waana calaamad lagu garto in sokorta ay dhacday, qofka wuxuu dareemayaa wareer, madax xanuun, jarayn gacmaha ah iyo aragga oo caad ka fuulo, tanne ma ahan xanuun oo waa arrin dabiici ah,

Waxyaabaha kale ee sida dabiiciga ah u keeno gariirka gacmaha waxaa ka mid ah xanaaqa iyo naxdinta, tanne waa arrin la xiriirta hormoonnada qaar oo jirka ku jira oo aad u kaca, hormoonkaas oo loo yaqaano “Adrenaline, taasoo qofku dareemayo kacsanaan, dhidid badan, neef-tuur, gariir gacmaha ah, dadkuna way ku kala duwan yihiin arrintaan, dadka qaar ayuu si sahlan u kacaa hormoonkaan oo aad naxtinta iyo xanaaqa jirkoodu xakamayn karin,

taas haddii aan uga gudbo waxyaabaha dabiiciga ah ee qofka gacmahiisa ka jaraysiin karo, waxaa jiro cillado ama xanuuno lagu yaqaano in qofku gacmaha ka jareeyo, muhiimne ay tahay in dhakhtar lala xiriiro haddii la isku arko, waxaana ka mid ah cilladahaas:

  • Dhacsanaanta ama kacsanaanta hormoonka qanjirka thryoid-ka: waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtaa haddii aad isku aragtid gariir gacmaha ah, wadne garaac iyo daal aadan horay u lahaan jirin tanoo xiriir aan la lahayn xanaaq, welwel, daal iyo gaajo intaba,
  • Cillad neerfaha gacanta ku timid taasoo ka dhalatay ciriiri jalaqlayda ku dhacay tanoo loo yaqaano “Carpal Tunnel Syndrome” ama cillad neerfaha qoorta ka yimaado illaa garabka iyo gacanta saameeyo,
  • Cillad maskaxda ka jirto oo keentay laleemo taasoo aan da’ ku xirnayn oo dhalinyarada xittaa lagu arki karo, tan oo badanaa la dareemo jug maskaxda ama dhaawac ka dib.
  • Waxyaabaha kale ee keeni karo jaraynta gacmaha waxaa ka mid ah daawooyinka qaar, maandooriyeyaasha iyo ku sumoobidda kiimikada qaarkeed.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

SOMALIDOC.COM

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *