Sababaha Dumarka Qaar Ay U Ooyaan Marka Loo Galmoonayo

Dad badan galmadu waxay u tahay ficil dareen badan, waxaa laga yaabaa inaad isku aragto dareemo kala duwan xilliga galmada sida raaxo iyo farxad. Dadka qaar waxaa dhacda in dareemadani ay ka tan badiyaan oo ay gaaraan heer ay la ooyaan.

Waxaa ugu horeeya ee ay tahay inaad ogaato hadaad la kulanto xaaladaan, waa inaysan ahayn wax adiga gaar kuu ah, inta bandanna ay tahay wax caadi. inkastoo laga yaabo inaad dareento xoogaa yaxyax ah laakiin ma ahan wax laga walwalo. Way ku caawinaysa hadaad ogaato sababta keentay xaaladaan iyo sida aad ilaalin karto haddii aad u baahato inaad iska ilaaliso.

Maqaalkaan waxaan ku dul istaagaynaa sababaha keeni kara inaad ooyso xilliga galmada iyo waxa aad samayn karto marka aad xaaladaan la kulanto kadib.

Maxaa keeni kartaa inaad ku dhex ooydo galmada?

Haddii aad weligaa ku dhex ooyday galmada, su’aasha islamarkiiba aad isweydiinayso waa ” waa maxay sababtu?”. Inkastoo oohinta la xiriiriyo murugada haddana dareemo badan ayaa ku keeni kara inaad ooydo, sida farxadda iyo caalwaaga (frustration).

Waxaad dareemaysaa xanuun

Galmadu marnaba ma ahan inay noqoto mid xanuun badan. Haddii aad dareento xanuun iyo raaxo darro xilliga galmada, waxaa dhici karta inaad oohin bilowdo. Si arrintaan wax looga qabto islamarkiiba kala hadal saygaaga xanuunka aad dareemayso si uu kuugu tartiibiyo ama uu u joojiyo galmada.

Xanuunka ay dumarku dareemaan xilliga galmada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “Dyspareunia”, waxaana keena xaalado kala duwan sida infekshanka cabeebka ee ku dhaca farjiga, Xanuunka endometriosis, dhaawac hore, iyo dhalmo dayska.

Dumarka qaba xaaladda xubinta taranka oo ciriiri noqota (vaginismus) badanaa waxay dareemaan xanuun marka loo galmoonayo. Vaginismus waa cillad galmo oo ku dhacda haweenka qaar, waxayna sababtaa dareen xanuun badan xilliga galmada taas oo hoos udhac wayn ku keenta tayada galmada.

Waxaad ku haya murugo ama niyad jab:

Haddii ay ku hayaan dareemada murugada iyo niyad jabka, dareemadaani iskama tagaan xilliga galmada, inkastoo galmadu loogu talo galay inay ahaato wax lagu raaxaysto oo lagu farxo. Haddii aad murugaysan tahay ama niyad jabsan tahay xilli kasta ayay ku qaban kartaa oohintu, xittaa xilliga galmada.

Niyad jabka waa xaalad caafimaad oo u baahan in il gooniya lagu eego, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay xanuun lala tacaali karo iyadoon loo isticmaalin dawo, balse hadii heerkiisu siyaado ama qofka niyad jabsan gaaro heer uu xataa noloshiisa halis galiyo waxaa lagama maarmaan ah in loo xaliyo qaab baaritaan caafimaad ku salaysan,

Farxadda:

Rumayso ama ha rumaysan, waxaa dhici karta inaad galmada ku dhex ooydo farxad oo kaa tan badata awgeed. Sababtu waxay noqon kartaa inaad lammaanahaaga aad u jeceshahay ama ku raaxaysato galmada lammaanahaaga. Haddaba ha isku celin oohinta haddaad dareento inaad la ooyn rabto raynraynta iyo farxadda aad dareemayso dartood.

Cillada Postcoital Dysphoria

Postcoital Dysphoria waa xaalad sababta in dumarku ay dareemaan murugo galmada kadib. Haddii aad cilladaan qabto waxaa dhici karta inaad si lama filaan ah u ooydo xilliga galmada ama galmada kadib. Mararka qaarkood waxaa lagaa yaabaa inaad saygaaga la dagaasho sabab la’aan xilliga galmada.

Isbedellada hormoonnada:

Hormoonnada la soo daayo xilliga galmada sida oxytocin iyo dopamine waxay abuuraan dareemada istareexa iyo farxadda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhici karta in hormoonada degdegga isku beddelaya iyo galmada aad uga falceliso illin ama oohin.

Haddii aad ku jirto xaaladaha uurka, xaalada Isbedelka niyadda ee caadada ka hor (Premenstrual Syndrome) iyo howlgabka dhalmada, jirkaagu wuxuu marayaa isbeddello hormoonnada ah taas oo keeni karta inaad galmada ku dhex ooydo.

Biyo baxa:

Dadka qaarkood markastoo ay biyo baxayaan xoogaa ayay ooyaan. Biyo baxa waa falcelin xoogan oo jirka ka samayso raaxada marka galmo la samaynayo.

Galmada ayaad ku dhex ooyday, maxaa xiga oo aad samaynaysaa?

Haddii ooyday xilliga galmada waxaa laga yaabaa inaad dareento xoogaa yaxyax ah. Oohinta xilliga galmada badanaa malahan wax dhib ah.

Tallaabada xigta ee aad qaadayso waxay ku xiran tahay sababta keentay oohinta. Tusaale, hadaad dareemayso xanuun, waa inaad islamarkiiba joojisaa galmada kadibna aad baartaa sababta keentay xanuunka. Hadaad garan weydo waxa keenaya xanuunka waa inaad la dhakhtar la kulantaa.

Haddii aad sabab kale la ooyday kala hadal lammaanahaaga si aad uga sal gaartaan.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *