Raalliyooy Tumaad Tahay? Qalinkii Nada Yuusuf Cumar

nada yusufRaalliyo waa gabadh Ilaahay garasho iyo aqoon u siiyay hanashada saygeeda iyo habaynta, kor u qaadista sharafta iyo maamuska nolosheeeda oo dhan. Raalliyo waa gabadh ku sifawda xadiiskii rasuulka ee ahaa

( ??? ??? ????? ???? ???? ??? ???? ????? ?? ????? ?????? ?????? ?????? )

Haddii aad eegto way ku farxad galinaysaa, haddii aad ka tagtana waxay kuu ilaalinaysaa oo ay xafidaysaa sharafteeda nafteeda, malkeedaba iyo gurigeedaba. Markale rasuulku waxa uu yidhii S.C.W “Aduunyada waxa yaalla oo dhammi waa raaxo waxana ugu wanaagsan raaxadaas gabadh wanagsan oo saalixad ah. Gabadha raalliyada ahi waa gabadh u dhaga nugul ninkeeda, kana fikirta marwalba wanaagga ninkeeda, ubadkeeda iyo ummaeda ay la nooshahay.

Sifooyinka lagu yaqaano raalliyo

1: Alle ka cabsi: raalliyo waa gabadh alle ka cabsi badan, ugu horrayn waxay gudatay waajibkii Ilaahay saaray ee uu ku lahaa, marlabaadkana waxay ku dadaashaa xaqa ninkeda oo ay alle kaga baqdo isaga iyo ubadka ay masuulka ka tahay.maxa yeelay waxa ay garanaysaa masuuliyada rabbi saaray iyo in lawaydiin dono iyada oo kudhaqmaysa xadisika rasuulka SCW. Rasuulku wuxu yidh i(dhamantin wax ayaa laydin raciyay, qofkastana waa lawaydinayaa waxa laraciyay ee masulka loga dhigay).

Raalliyo waa gabadh ninkeda ku baraarujisa khayrka marka ay aragto isaga oo uu imankisu hos udhacay. raalliyo waa gabadh jecel inay mar walba iyada iyo ninkedu meel Ilaahay kuwada cabudaan oo ay Ilaahay ralli galiyaan. waxay taqaanna xadiiska rasuulka ee ahaa

(yaa ka wanaagsan oo ka khayr badan gabadh intay kacday waysaysatay oo ninkeediina saladda u kicisay, kadibna uu is yara adkeyay dabadeedna intay biyo yar shax kusisay uu toosay oo uu la tukaday )

2:Aqoon. Raalliyo waa gabadh ilaahay ku galladay aqoon, garasho iyo maskax wanaag. Raalliyo waa gabadh ku dadaasha kor uqadista aqoonteeda una diyar garawda ubadka uu Ilaahay deeqda u siyay .

Raalliyo waa gabadh rabta inay ubadkedu noqdan ubad ay dhashay hoyo aqonle oo anay lamid noqon ubadka ay dhasho hoyo jahilada. Maxay yelay waxay aad u garanaysaa micnaha ay xanbarsantay aayadda uu Ilaahay leeyahayy (miyay siman yihiinn kuwa wax garanaya iyo kuwo aan waxba garanayn). Raalliyo waa gabadh aqoon fican u leh waxa uu ninkedu jecelyay hormoodna ku noqonayo ragna ku dhaafayo

Sidoo kale raalliyo waa gabadh aqoon fican ule waxakasta oo aanu ninkeedu jeclayn oo cadho galinaya dhibsanayana inuu maqlo ama arko ama lagu sameeyo. Sidoo kale raalliyo waa gabadh aragti dheer uleh dhaqamada ninkeda si ay wax uga ogato kuwoda xun xun iyo kuwa wanaagsanba iyada oo isku dayaysa kuwa wanaagsanna inay kudhirri galliso kuna hambalyayso, kuwa xun xun ama aan wanaagsanaynna waxay isku daydaa sidii ay uga joojin lahayd iyada oo adegsanaysa xeelado iyo caqli wanaag.

3: Jacayl iyo ixtiraam. Raalliyo waa gabadh kalgacal badan markastana waxay isku daydaa inay qalbiga ninkeeda jacayl iyo wanaag gashato raalliyo waa gabadh ku sifawda ama isku dayda inay ku rumawdo xadiiska rasuulku S.C.W. raga kula hadlayo ee uu yidhi

(waxad gursataan gabadh dhal badan oo jacayl badan). Jacaylku waa wax labeeri karo waxaana awoodda inay beerto gabadha raaliyada ah, waxyabaha ay ku berto raalliyo jacaylka ninkeda waxa kamida

1. Iyada oo mar walba adeegsata hadallo naxariis jacayl iyo wanag ka muuqdo .

2 waxay samaysaa wax kasta oo ay ku kasbanayso jacaylka ninkeda kuna gadhayso faraxadisa iyo barawaaqada nloloshoda.

Raalliyo kama xishoto inay ninkeda u sheegto inay jeceshay ama ay kula hadasho hadallo kalgacalle. Raalliyo dhaqamada wanagsan ee ay ninkeda kuladhaqanto waxa kamida

Marka uusoo istago ninkedu alabaka guriga ee uu ka yimaado hawlaha shaqo waxa ay taqaanna garaaciisa iyada mooye cidkalena kama furto, kuma waajahdo (qaabisho) hiif diiqad iyo waji adkaan ee waxay ku qabisaha waji ay kamuuqato farxad kalgacal iyo dhunkasho iyada oo qoslaysa.

Kadib waxay usoo kaxaysa qolkiisa gaaraka ah ee loo yaqaanno qolka jiifka halka oo ay xoogaa ku nasiso kabaha iyo waxyabaha gubayana kaga reebto.

Gabadha raaliyada ah waa gabadh ixtiraam badan ninkedana waxay umujisa marwalba inuu yahay masuul oo iyada masuul kayay waxay markasta fulisaa amarradiisa ixtiraam darted. Raalliyo waxay aad usoo dhawaysaa hadallada iyo ficilada wan wanagsan ee ninkeda. Sidoo kalena waxay ixtiraam dheeraada siisa oo ay umujisa ehelada ninkeda. Iyada oo taqaanna qof walba meesha uu u taagan yahay

3. gabadha ralliyada ah waa gabadh gaariya oo nadafad badan, kashaqaysa quruxdeeda iyo ta gurigeeda iyo ta ubadkeda iyo ta ninkedaba.

Guntii iyo gaba gabadii waxan kaga tagayaa haweenka soomaliyeed ee jecel inay noqdaan gabdho raggooda raalli galiya inay ku dadaalan saddexdan shay oo ah saddexda gabadh lagu xusho raguna dumarka inay ka helaan ay jecel yihiin.

1. Gogol wanaagsan 2. gasiin geedo leh oo fiican 3. gacalka oo ay soo dhawayso

Nada Yuusuf Cumar daryeelmagazine.com, Hargeisa Somaliland

Umuayuub2011@hotmail.com

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *