Qubaysiga Iyo Dabeecadda Qofka

Cilmibaadhis uu faafiyey Joornaalka Maraykanka ka soo baxa ee ‘National library of medicine’ ayaa iftiiminaysa in dadka caadada u leh ku maydhashada biyaha diirrani ay yihiin dadka caanka ku ah madax adayga, dadka aan ku raaxaysan ama aan ka raalli noqon aragtiyaha dadka kale haddii ay ka duwanyihiin aragtida uu isagu aaminsanyahay. Waxa aanay u dhowdahay in wax kasta oo dhaca aanay aragtidaas qofka ku aqbalin.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in dadka gooni joogga ahi ay celcelis ahaan maydhaan in ka badan inta ay maydhaan dadka kale ee la midka ahi.

Kaydsiga farriimaha iyo shakhsiyaddaada qofka

Qofka shakhsiyaddiisa waxa laga garan karaa sida uu ula macaamilo farriimaha loogu soo diro email ka ama taleefanka gacanta. Dadka caadada u leh in ay markaba tirtiraan, ayaa la ogaaday in ay yihiin dadka aad u maamula ama gacanta ugu haya noloshooda iyo sida ay u dhaqmayaan ama waxa ay falayaan. Halka dadka kaydsada farriimaha ee xitaa ay dhacdo in farriimo aanay akhriskooda u baahnayn isla markaana aanay furin ay ka buuxaan taleefankooda ama Email-kooda, ay u badan yihiin dadka dabeecad ahaan u dhaqma qaab aan nidaamsanayn oo fawdo iyo isku dhexdaadsanaan shaqadooda iyo habdhaqankoodaba laga dareemo. Waa qof qaba isku kalsooni qaldan oo ah in waxa ku seega uu dib u soo kabi karo.

In qofku farriinta ku soo dhacda dhaqso u akhriyo, dhaqso uga jawaabo ama dhaqso u qabto haddii ay jirto hawl loogu sheegayo farriintaas, sida oo kalana ka shaqeeya kala nidaaminta farriimihiisa email ka isaga oo iska tirtiraya kuwa aan waxtarka lahayn ama waqtigoodu dhacay, waxa ay calaamad u tahay in uu yahay qof hawlihiisa oo dhami nidaamsan yihiin, si dhaqso ahna waajibaadkiisa shaqo u guta.

Dr. Larry Rosen oo ku xeeldheer daraasaynta cilminafsiga ayaa sheegay in dadka dabeecadda nidaamsan iyo hawlqabadka lagu yaqaanna ay yihiin kuwa warwara haddii aanay muddo eegin farriimaha u soo dhacay, xaalkooduna sii xumaado haddii ay arkaan farriimo muddo ka hor u soo dhacay oo aanay akhriyin. Laakiin qofka farriimaha oo dhan iska kaydsada isaga oo aan kuwa aan macnaha lahayn tirtirayn, isla markaana aan dhaqso u akhriyin farriimaha muhiimka ah.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *