Qiso Iyo Cashar Mudan In Lagu Cibro Qaato

Nin u dhashey dalka Masar oo ku noolaa Magaalada Qaahira ahaana nin dhaqaale ahaan ladan ayaa beri aad u xanuunsadey dabeedna waxa uu u tagey dhaqtar si loo baaro cudurka haaya.

Markii la baarey ninkii waxaa dhaqtarku uu u sheegay in xaaladiisu ay halis tahay oo ay xirmi rabaan xididada dhiiga qaada ee wadnaha isla markaana aan Masar gudaheeda waxba looga qaban karin uuna u baahan yahay in uu aado ama tago Cusbitaalada dibada ah oo khaarada Yurub ama Mareykanka halkaasoo uu ka helayo dhaqaatiir takhasus gaar ah u leh, qalab caafimaad oo tayo sare leh oo lagu baaro iyo dawooyin.

Ninkii waxuu tagey dalka Jarmalka waxaana uu la kulmey dhaqtar xanuunka uu ka cabanayo takhasus gaar ah u leh waxaana markii la baarey uu dhaqtarkii u sheegay in uu u baahan yahay qaliin looga sameeyo wadnaha oo nolol iyo geeri u dhaxeysa.

Markii ninkii sidaa loo sheegay aad buu u naxey waxuuna dhaqtarka ka codsadey in dhawr maalmood uu fasaxo si uu ugu laabto qoyskiisa iyo axsaabtiisa si uu u soo macsalaameeyo maadaama xaalkiisa uu halis ku sugan yahay ayna dhici karto inuu geeriyoodo.

Waxuu ninkii ku laabtey Magaalada Qaahira waxaana dhacday isagoo u sii socda xaafadiisa ayuu waxuu arkey Haweenay meel hilibka lagu iibiyo agteeda qashin ama gudaafad Lafo ka guraneysa,dabeedna intuu istaagey ayuu gabadhii weeydiiyey sababta ay Lafaha qashinka u guraneyso?
Gabadhii waxa ay ugu jawaabtey caruur yar yar oo aan dhalay baan lafahaa qashinkaa uga gurayaa dabeedna intaan u kariyo ayaan maraqa kasoo baxa siiyaa.

Ninkii ayaa intuu naxey soo kaxeeyey haweeneydii waxaana uu u geeyey nin uu garanayey oo hilib ku iibinayey goob u dhaweyd waxuuna ku yiri gabadhan todobaad kasta waxaad siisaa hilibka ay u baahan tahay lacagteedana aniga ayaa bixinaya inta aan noolahay iyadiina waa uu u sheegay isagoo sidoo kale ku caawiyey lacago ay mudo Biil ka dhigtaan iyada iyo caruurta.

Gabadhii ayaa intii ay aad u faraxdey ayey si qalbi furnaan ah ugu duceysay iyadoo leh EEBE ha ku siiyo caafimaad waara iyo cibaado suuban.

Markii ninkii mudo maalmo yar uu Qaahira joogey ayuu dib ugu laabtey dhaqtarkii Jarmalka joogey dabeedna markii loo diyaarinayey qaliinkii ayaa baaritaan uu sameeyey dhaqtarkii waxuu ku yiri ninyahow waad isa soo daweysee xagee iska daweysay waayo haatan baarista aan kugu sameeyey waxey sheegeysaa in wax xanuun ah aadan qabin.

Ninkii ayaa ugu jawaabey anigaa garanaya waxaa i daweeyey ( ALLAH ) markii aan u naxariistey haweenay adoomadiisa ka mid ah oo aan wax ku saqadeystay markaasaa EEBE isagana ii naxariistey oo caafimaad deg deg ah i siiyey.Waxuu ninkii hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey ” Alxamdulilah Illaahey baa mahad leh”

Qalinkii: Ibrahim Hashi Ahmed.

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *