Qiso Cajiib Ah: Imaam Shaafici Ayaa……

Imaamkii weynaa Allaha u naxariistee Imaam Shaafici ayaa wuxuu Macalin u ahaa Arday, wuxuuna aad u Jeclaa Wiil yar oo Ardayda ka mid ah, dabeedna Ardaydii kale baa Waalidiintoodii u Sheegeen in Macalinkooda Ardaygaan uu Jecel yahay, Waalidkii baa u yimid Imaamka si ay Arintaas uga Wareystaan Imaamkii wuxu yiri:- Wiilkaan waa Wiil aad u Cajaa’ib badan, sidaas darteed ayaan u Jeclaaday.

Imaamka wuxuu yiri waxaan ka qaaday Ardayda Imtixaan, ka dibna Caruurtii mid walba waxaan ku iri Digaagad ama Dooro soo Qal (Gowrac), waxaadna ku soo Qashaa ama ku Gowracdaa meel aysan Cidna kaa arkeyn, dabeedna Caruurtii kale oo dhan way soo Qaleen, laakiin Wiilkii Isagoo weli Qalin ayuu soo Noqday markaasaa Imaamkii wuxuu ku yiri Digaagada ama Dooradada maxaad usoo Qali weysay, ma Amarkeyga ayaad Diiday?,

Wiilkii ayaa ugu jawaabay:- Maya Macalin ma diidin Amarkaga, laakiin sow ima oran ama i Dhihin waxaad ku soo Qashaa ama ku Gawrcdaa meel aysan Cid kaa Arkeyn? Macalinkii ayaa yiri:- Haa, kolkaas ayaa Wiilkii yiri:- ilaa Maanta waan Raadinayay meel aan cidna iga arkeyn, waana waayay hadaan xitaa Dadka iska Qariyay waxaan Ogaaday Allaah Subxaana Wa Tacaalaa inuu ii Jeedo ama i arkayo meel kasto aan Tago ama isku qariyo.

Imaamkii wuxu yiri:- Sow idiinma Sheegin Wiilkaan yar wuxuu Ogaa inuu ka Dhuuman karin Allaah, ee Qof kastoow waxaad Ogaataa wax kasta oo aad Sameyneysid inuu Allaah ku Arko, haka Baqin Qof Bini Aadam ah ee wax kasta Alle dartii uga Tag, alle Dartiina ha ahaado Camalka aad Qabaneysid.

W/Q: Abdullahi Nuur Colombo

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *