Sababaha Keena Qanjirka Ragga Oo Weynaada (Benign Prostatic Hyperplasia)

qanjirka ragga

Qanjirka ragga waxaa loo yaqaanaa prostate gland, waxaa kamid ah xaaladaha caanka ah ee ragga u gaarka ah inuu weynaado qanjirkaan (benign prostatic hyperplasia), xaaladaan ay ah mid sababta in qanjirka ragga  uu ka weynaado cabirkiisi caadiga ahaa, xaaladaan ma ahan mid kansar ah, hasayeeshee waa mid u baahan daweyn

Qanjirka ragga waxaa laga helo ragga oo kaliya cabir ahaanna wuxuu wax yar ka weyn yahay lawska. Waa qanjir ku yaala kaadi haysta gadaasheeda, sidoo kale wuxuu wax yar ka koreeyaa guska. Tuubada soo qaada kaadida waxey soo dhex martaa qanjirkaan.

Qanjirka ragga weynaado wuxuu cadaadis ku keeni karaa tuubadaas kaadida soo qaada, taas oo sababeysa in tubada ay dhuubato ama ay xiranto, waana arin is hortaagi karta qulqulka kaadida.

Nasiib wanaag qanjirkaan ma ahan mid muhiim u ah nolosha qofka, waana macquul in gebi ahaanba qaliin lagu saaro hadii dhibkiisu uu hoos u dhigayya tayada nolosha

Maxaa sababo in qanjirka ragga uu weynaado?

Ragga marka ay gaaraan da’da 45 sano, waxay u badan yihiin iney la darsaan xaaladaan, ragga marka ay gaaraan 50 sano saddex meelood meel ayaa la nool xalaadaan, waana mid noqota 90% ragga hadii ay gaaraan 85 sano, cilmi barista qaar ayaa sheegaya in arintaan ay sababto is bedelka ku dhacaya hormoonada ragga marka ay da’ noqonayaan. Sidoo kale hadii uu jiro qof kula qaraaba ah oo qaba xaaladaan waxay u badan tahay inaad ladarsi doontid adiga.

Waa maxay astaamaha lagu garto?

Dadka qaba xaalada qanjirka ragga ee weynaaday waxaa laga yaabaa iney dareemaan astaamaha hoos ku qoran, waana kuwo ka sii dara waqtiba waqtiga kasii danbeeyo, astaamaha la dareemo waxaa kamid ah:

  • Rabidda in la kaadiyo oo si joogta ah loo dareemo
  •  Habeenki oo kaadi loo soo koco
  • Bilaabidda qulqulka kaadida oo adkaata
  • Qulqulka kaadida oo daciif ah ama goos goos ku socota
  • Is riixidd si kaadida loo soo saaro
  • Dareen ah in kaadi haysta aysan wali faaruqin
  • Dhibcaha kaadida oo sii socda marka aad istiraahdo waad dhameysay

Waxaa laga yaabaa in qofku uu dareemo dhibaatooyin ka dhasha weynaanshaha qanjirka, sida infekshan ku dhaca kaadi mareenka. Sidoo kale waxaa dhici kara dhagax ku sameyma kilyaha ama kaadi haysta.

Hasa yeeshee qof kasta madareemo astaamahaan oo dhan, waxaa macquul ah in qofku uu dareemo astaama aan la xiriirin qanjirka ragga.

Sidee baa loo ogaadaa qanjirka ragga oo weynaado?

Dhaqtarkaaga wuxuu ku weydiinayaa su’aalo ku saabsan astaamaha, sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu sameeyo wiisitada malawadka si loo fiiriyo cabirka iyo sheybka qanjirka.

Sidoo kale dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu kaa qaado dhiig iyo kaadi, si dhaqtarka uu u fiiri cabirka walax loo yaqaano PSA (prostate specific antigen) oo ah walax summad u ah qanjirka, summaddan waa mid cabirkeeda uu kor u koco hadii uu is bedel ku dhaco qanjirka ragga, hasa yeeshee PSA kacsan waxay kaloo ka tarjumi kartaa kansarka ku dhaca qanjirka ragga.

Sidee baa loo daweeyaa?

Isbedel lagu sameeyo qaab nololeedka qofka

Hadii astaamaha ay yihiin khafiif, waxaa macquul ah in qofku uusan u baahanin wax dawo ah, waa arin lagu maareyn karo isbedel lagu sameeyo qaab nololeedka, sida qaadashada biyaha oo la xadido xiliga habeenkii, iyo in la yareeyo habidda kafeyga.

Dawo ama qalliin

Waxaa lagu daweeyaa dawooyin nasiya murqaha qanjirka, iyo dawooyin bedela dheelitirka hormoonada, si qanjirka uu u yaraado cabirkiisa.

Hadii qanjirka uusan ku deggin wax dawo ah, waxaa inta badan lagu sameeyaa qalliin, qalliinada ugu caansan ee lagula tacaalo marka qanjirka ragga uu weynaado waxaa la yiraahdaa:

  • TURP: TransUrethral Resection of the Prostate
  • TUIP: TransUrethral Incision of the Prostate

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *