Qaababka Loola Tacaalo Daloolada Maqaarka Oo Waynaada (Tush-Tushka)

Bismillaah, 

Casharkeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa daloolada waa wayn ee maqaarka. Waa jira labo nooc oo daloolada maqaarka ah. Mid waxaa uu soo daayaa saliida maqaarka ee loo yaqaanno “sebum”, halka kan kale uu soo daayo dhididka. 
 
Mararka qaar daloolada soo daaya saliida ayaa ballaadha, sababaha keena cilladaanna waxaa ka mid ah jidhka oo soo saara saliid xad dhaaf ah, dhaxal, da’da iyo dhaawaca fallaadhaha qorraxda, 

Hadaba waxaa jira dawooyin guri oo lagula tacaali karo daloolada waa wayn ee maqaarka waxaana ka mid ah:

Lawska almond iyo malab:

Lawskani waxa uu ugu roon yahay jidhka, iyadoo tariikh ahaan muddo dheer loo adeegsan jiray qurxinta jidhka. Lawska almonds waxaa ka buuxa nafaqooyin kala duwan sida faytamiin E, dufanka omega-3 iyo walxaha sunsaarista kuwaas oo maqaarka nafaqeeya.

Sida oo kale, lawska almonda waxaa uu giijiyaa maqaarka, waxa uu yareeya dalooloda furan, waxaana uu wanaajiyaa midabka dabiiciga ah ee jidhka.

Malabku faa’iido badan ayaa uu u leeyahay nadiifinta daloolada maqaarka, waxa aanu la dagaalamaa furuuruca iyo baraha madow ee maqaarku yeesho.

Alaabta loo baahan yahay:

  • Nus koob lawska almonds ah oo biyo lagu radiyay 
  • 2 qaado oo malab ah 
  • 4 dhibcood oo caano ah

Habka diyaarinta:

  • Lawska aad radisay ku shub Mashiinka wax lagu shiido, shiid illaa uu cajiin ka noqonayo.
  • Ku dar malabka iyo caanaha si uu u noqdo scrub.
  • Mari scrub-ka wajigaaga adigoo si tartiib ah ugu daliigaya muddo 5 daqiiqo ah.
  • Biyo qabow ka raaci
  • Scrub-kan inta kuu soo harta tallaagadda gasho oo isticmaal hal mar asbuucii.

Qajaar iyo liin dhanaan:

Qajaarka ama khiyaarka waxaa ku jirta maado la yidhaahdo “silica” taas oo maqaarka siisa muuqaal dhalinyaronimo, islamarkaana uruurisa daloolada waa wayn.

Liin dhanaantu waxay iftiimisaa maqaarka waxayna yareysaa daloolada waa wayn.

Waxaa loo baahan yahay:

  • Hal xabbo oo qajaar ah 
  • 2 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah

Habka diyaarinta iyo isticmaalka

  • Mashiinka wax ku lagu shiido ku rid qajaarka oo aad jarjartay, ku dar biyaha liinta,
  • isku shiid illaa uu ka noqonayo cajiin jilicsan.
  • Mari wajigaaga, adigoo u deynaya muddo 15 daqiiqo ah
  • Kaga maydh biyo qabow
  • Isticmaal alaabtan hal mar toddobadkii

Huruuda:

Huruudu waxa ay leedahay awood jeernis dile, waxayna yareysaa hurka maqaarka. Huruudu waxa ay dishaa bakteeriyada ku koraysa gudaha daloolada, iyadoo yareysaa bararka ku samaysma hareeraha daloolada.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado oo huruud ah. Waa qaadada yar ee shaaha.
  • Inyar oo biyo ah
  • Baaquli ku shub huruuda budada ah, ku dar dhowr dhibcood oo biyo ah.
  • Isku qas inta uu ka noqonayo cajiin jilicsan.
  • Mari cajiinkan wajigaaga adigoo u deynaya muddo 10 daqiiqo ah.
  • Biyo caadi ah kaga maydh.
  • Isticmaal cajiinkan 2 goor toddobadkii.

Boorash iyo caano:

Boorashka waxaa loo adeegsan karaa in uu jidhka ka nuugo saliida dheeraadka ah iyo wasakhda maqaarka ee xanniba daloolada islamarkaana wayneeya cabbirkooda.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 qaaddo oo boorash ah. 
  • 1 qaado oo caano ah

Habka diyaarinta iyo isticmaalka:

  • Soo qaado baaquli, ku shub boorashka iyo caanaha si fiicanna iskugu qas.
  • Mari isku-darkan wajigaaga oo u daa inta uu kaga qallalayo
  • Farahaaga ku qoo biyo kadibna si tartiib ah ugu xoq wajigaaga muddo dhowr daqiiqo ah.
  • Biyo cad kaga maydh
  • Isticmaal dawadan hal mar toddobaadkii.

Ukunta qeybta cad:

Beedka ama ukunta qeybta cad waxay caawisaa inay soo saarto wasakhda badan ee maqaarka waxaana loo adeegsadaa in lagu yareeyo daloolada waa waynaaday. Sida oo kale, waxa ay giijisaa maqaarka.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 xabbo oo ukun ah 
  • 2 illaa 3 dhibcood oo biyaha liin dhanaanta ah

Habka:

  • Kala saar beedka ama ukunta qeybta jaallaha ah iyo qeybta cad
  • Isku dar biyaha liin dhanaanta iyo ukunta qeybta cad. Isku qas.
  • Mari isku-darkan wajigaaga oo u daa inta uu ka qallalayo.
  • Ku maydh wajigaaga biyo diirran.
  • Isticmaal isku-darkan hal mar toddobadkii..

Kicisada burka:

Kicisada burka waxa ay aad ugu wanaagsan tahay in ay jidhka ka qaado wasakhda iyo saliidda dheeraadka ah.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 qaado oo kicisada burka ah iyo biyo
  • Isku darka kicisada burka iyo biyaha oo isku qas illaa uu ka noqdo cajiin.
  • Mari cajiinkan wajigaaga, adigoo si tartiib ah ugu daliigaya muddo 5 daqiiqo ah.
  • Ku celceli habkan maalin kasta.

Dacarta:

Dacarta waxay nadiifisa maqaarka waxayna yareysaa daloolada.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado oo jeelka dacarta ah 
  • 1 qaado oo malab saafi ah 
  • 1 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah ( waa qaadada yar ee shaaha)

Habka diyaarinta iyo isticmaalka:

  • Isku dar jeelka dacarta, malabka iyo biyaha liin dhanaanta. Si fiican iskugu qas.
  • Mari isku-darkan wajigaaga, adigoo u deynaya muddo 10 daqiiqo ah.
  • Biyo caadi ah kaga maydh
  • Ku celcelin habkaan maalin kasta muddo hal bil ah.

Talooyin muhiim ah:

Kiriimka jidhka ka caabbiyo dhibaatada qorraxda: Qorraxdu waxay dhibaato u geysataa maqaarka iyadoo dhaawacda qoyaanka dabiiciga ah iyo barootiinta “collagen” waxayna soo dedejin kartaa laalaabka maqaarka oo ay weheliyaan daloolada waa wayn 
Markasta oo aad qorraxda u baxayso waxaa muhiim ah in aad isticmaasho kiriimada maqaarka ka caabbiyo khatarta qorraxda kaga imaan karta.

Ka dheerow inaad habeenkii  ku seexato turukada ama make-up-ka: Make-up ku wuxuu galaa gudaha daloolada hadii aan si fiican loo maydhin. Waxa uu awdaa daloolada, waxaana uu sababaa inay ballaadhaan, sidaas awgeed, had iyo jeer wajigaaga maydh ka hor inta aanad seexan.

Cunno caafimaad leh: Helidda nafaqo isku dheellitiran waxa ay kobcisaa caafimaadka guud. Cunnada caafimaadka leh waxa ay sare uu qaadaa caafimaadka maqaarka. 

Cab biyo badan: Markasta oo ay biyo cabistaadu badato waxaa wanaagsanaada dheelitirka saliida iyo biyaha ee dusha sare ee maqaarkaaga. Tani waxay yareysa cabbirka daloolka, waxayna hoos u dhigtaa in finan ay soo baxaan

Jimicsiga: Jimicsiga joogtada ah waxa uu wanaajiyaa wareegga dhiigga ee dhammaan qaybaha jidhka oo uu maqaarku ku jiro. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in dhididka ay ku jirto maado qallajiye ah taas oo maqaarka ka ilaalisa bakteeriyada.

Inkasta oo dhididku uu maqaarka uu faaido u leeyahay hadana haddii aan la maydhin waxaa uu xidhi karaa daloolada. Sidaas darteed waa in la biyo raaciyo wajiga jimicsiga kadib. 

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *