Qaab Sahlan Oo Aad Ilkaha U Caddeysan Kartid

Wax kasta ma isku dayday si aad u caddayso ilkahaaga, walina wax horumar ahna maad weysantahay?

Waxa hubaal ah inay qaali tahay ilkaha oo dakhtar ku cadeeya. Qaabkan sahlan oo lacag aan saas u badnayn kaga baxayn ayaa ilkaha ku cadeynaya oo isbadal weyn waqti yar ku keenaya.

Faroowlah (strawberry) iyo leebito ‘kicisada burka’ (baking soda) ayaa kuu sahlaya inaad adiga gacantada ku caddaysatid ilkahaga. Maadooyin (Malic acid, sodium bicarbonate) ku jira farowlaha iyo kicisada burka ayaa wasqada ilkaha ku dhagta si sahlan uga baabi’iya, sidoo kale ka nadiifinaya wasaqda ilkaha dhex gasha.

Maxa u baahantahay:

  • Hal farowla ah (strawberry)
  • qaando badhkeed oo kicisada burka
  • buraashka ilkaha

Isticmaalka:

  • Daqiiq farowlaha markaas ku dar kicisada burka
  • buraashka in yar mari markaas ku cadayo

Wax laba isbuuc ka yar ayaad arki doonta natiijada taasoo isbadal aad ka dareemeysid ilkahaaga.

Ilkaha cadaanka ah waxey kusoo jiida qurux zaa’id ah.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *