Noocyo Cuntada Ka Mid Ah Oo Kordhiya Walwalka Iyo Niyad Jabka

Dad badan oo innaga mid ah ayaa aan dhaadsanayn muhiimadda ay leedahay in la hubsado nooca cunto ee ay tahay in aynu cunno, lana kala barto cuntooyinka caafimaadka ay tahay in aynu cunno, kuwa ay tahay in la yaraysto iyo cuntooyinka aan caafimaadka u fiicnayn, oo marar badan ah kuwa aynu ugu jecelnahay cunistooda.

Xaaladaha uu qofku ku jiro xanuunnada nafsiga ah, sida warwarka, walbahaarka iyo niyadjabka waxaa dhacda in uu cuno cuntooyin aad u badan ama uu isku illaawo cunista cuntada, taas oo sii kordhisa khatarta ay cuntadu ku keeni karto caafimaadkiisa nafsadeed iyo jidheed labadaba. Waxaa muhiim ah in aynu dareensanaano in ay jiraan cuntooyin badan oo laga  fisho in ay kordhiyaan xaaladahan taban ee nafsiga ah.

Cilmibaadhiso ay xeeldheereyaal arrimahaas ku takhasusay sameeyeen ayaa lagu ogaaday in cuntooyinka qaarkood ay keenaan xaaladaha nafsiga ah. Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in xaaladaha nafsiga ah, gaar ahaan walbahaarku aanu ahayn xaalad ku gaar ah nafsadda, ee sida oo kalana uu saamayn iyo xidhiidh ku leeyahay shaqada xubnaha, habdhisyada iyo unugyada kala duwan ee jidhka, taasna ay sababteedu tahay in hormoonnada kor u kacaya marka ay qofka xaaladahan nafsiga ahi ku yimaaddaan, ay saamayn ku yeelanayaan qaybaha kale ee jidhka. Haddaba waxaa jira cuntooyin iyaguna sii caawinaya in hormoonnadaasi kordhaan, ama hoos u dhigaya iskudhisyada kiimikaad ee dabiiciga ah, ee Alle ugu talagalay in ay yareeyaan lafalgalka taban ee ay hormoonnadaasi la falgelayaan qaybahaas jidhka.

Warwarka waxaa lagu yaqaannaa in qofku uu cuntada isku illaawo oo haddana marka uu dhammaysto uu warwar kale u sii bilowdo, naftana ku canaanto sababta ay cuntada sidaas u badan u cuntay, taasina ay sii xumaynayso xaaladdiisa nafsiga ah.

Cilmibaadhisaha ay khubaradu ku sameeyeen cuntooyinkan saamaynta ku leh sii xumaynta xaaladaha nafsiga ah, ayaa caddaynaya in sonkorta, macmacaanka, sharaabbada warshadaysan ee dhadhanka khudradda loo sameeyo, baastada, khubusta (Laxooxda, roodhida, sabaayadda iyo cuntooyinka la mid ah ayaa ku jira) daqiiqda keliya ka samaysan iyo cuntooyinka leh asiidhka Sitrus ‘Citrus’ oo ah liimaha noocyadooda dhanaan. Dhammaan cuntooyinkani waxa ay si kedis ah dhaqso ugu kiciyaan macaanka dhiigga, iyaga oo haddana si kedis ah hoos u soo rido (kicis iyo dhicis is xigxiga oo kedis ah ayaa uu ku sameeyaa heerka macaanka dhiigga.) isbedbeddelkaas degdegga ah ee sonkorta dhiigga ku imanaya ayaana sababa in xaaladda nafsiga ah ee qofku ay xumaato, oo warwar, niyadxumo, cadho imw lagu arko.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka ayaa iyaguna ogaaday in sharaabbada tamartu ay yihiin kuwa dhibta ugu badan qofka gaadhsiiya xilliga uu ku jiro xaaladaha nafsiga ah, sababtuna ay tahay sonkorta ku badan iyo maadadda Caffiene taas oo macnaheedu yahay in dhammaan cabbitaannada ay ku jirto sonkorta badan ama Caffiene ay leeyihiin khatartan.

Cilmibaadhis kale oo ay samaysay jaamacadda Northwestern ayaa ka marag kacday in cuntooyinka qasacadaysan, iyo kuwo midabbada ama dhadhanka samayska ah lagu daraa ay sii kordhiyaan warwarka. Khamriga ayaa isaguna dhibaatadan sii kordhiya, oo muddada uu qofka ku jira inta uu illowsiiyo xaaladahan ay dad badani u qaataan in uu xalkii yahay, laakiin marka uu jidhka ka baxo ay xaaladduu gaadho meel ka sii daran meeshii hore ay u joogtay.

Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *