Niyad Jabka Dhalmada Kadib: Sababaha Keeno, Astaamihiisa Iyo Xalka

Dhalmada ilmuhu waxay wadan kartaa farxad, rayrayn, niyaad wanaag iyo riyaaqida nolol cusub, waxay sidoo kale wadan kartaa cabsi iyo walwal ama niyad jab. Hooyooyinka cusub ama ay ku cusubtahay dhalmadu waxay badanaa la kulmnaan labada marxaloodba wallow cabsida iyo walwalku yihiin kuwo lagu arko masraxyada caafimaadka waxaana loo yaqaannaa “postnatal depression”. Inta badan waxaa marxaladaan lagu arkaa hooyooyinka u dhaxeeya 20-25 sano. Waxaa xanuunkaan la arkaa inta badan 3da bilood ee ka danbeeya xiliga dhalmada.

Maxaa sababa Niyad jabka dhalmada kadib

Inta badan lama yaqaano waxa sababa in niyadda hooyadu ay gasho walwal ama niyad jab halkii laga filayay inay ku faraxdo. Balse waxaa loo aaneeyaa qodobo kala duwan kuwaasoo yimaada dhalmada kadib, waxaana kamid ah.

  • Cabsi ay hooyadu ka qabto sida ay ukorinayso ilmaha yar maadaama uu yahay ilmaheedii koowaad.
  • Hormoonada oo isbadalaya taasoo saamayn ku yeelanaysa shaqada jirka iyo maskaxdaba
  • Baqdin ay ka qabto bulshada ama dariskeeda taasoo la xariirta oraahyada uga imaan kara haday garan waydo sida ilmaha loo korinayo ama noqon weydo hooyo wanaagsan
  • Hurdada oo ku yaarata hooyada
  • Inay waqti kooban u hesho xoriyadeeda u gaarka ah, waxaana waqtigeeda inta badan qaata ilmaha yar, taasina waxay ka xidhxidhaysaa bulshada inteeda kale.
  • In hooyadu ay ka walwasho dhaqaalo yari, ama ay taageero ka weydo ehelkeeda.

Waa maxay astaamaha niyad jabka dhalmada kadib?

Waxaa inta badan la arkaa, baqdin, hurdo yari, daal, xasuus yari, walwal, niyad jab, inay hooyadu dareento sida qof danbiile ah, oomateetka oo xumaada, nafaqo daro, xiisaha oo ka guura hooyada iyo inaan hooyadu u nuglaan karin culayska dulqaadkuna ku yaraado. Waxaa kaloo dhacda inaan hooyadu nafteeda ka taxadarin ama ilmaheedaba, iyo sanifaad noocyada kala duwan ee cunada ay u qaadaba.

See loo Daaweeyaa Xanuunkaan

Xanuunkaan uma baahna wax daaweyn ah inta badan, waxuuna ku tagaa waqti kooban, waxaa loo baahanyahay in hooyada uu niyada u dhiso lana shaqeeyo aabaha, maadaama uu yahay saaxiibka koowaad ee ay aragto maalin walba. Hadii xanuunkaan uu noqdo mid joogo wax kabadan 2 asbuuc waxaa lagu daweeyaa qaab daweeyn ah, waana mid lagu guuleeysto.

Talo:

Hadii aad tahay hooyo cusub. Iska ilaali niyad jabka, ogowna waxaad ku jirtaa waqti la farxo kan ugu muhiimsan. Hadii aad dareento niyad jab isku day inaad is ilowsiiso una sheeg lamaanahaaga, hadii uu sii socdo walwalku booqo dhakhtar.

Hadii aad tahay aabaha guriga waxaa lagaa rabaa inaad marwalba lasocotid in uu isbedel weyn ku yimaado jirka hooyada marka ay dhasho, sidaa darteed waa in aad noqotaa qof ka warqaba xaalada ay hooyadu ku sugan tahay oo aadna qeybtaada ka qaadatid barbaarinta dhalaanka, waayo ilmaha marka ay yar yihiin waa marka ay ugu baahi badan yihiin in loo nuglaado, hooyadu kaligeedna ma kaafin karto, sidaa darteed waa in aad qeyb mug leh ka qaadataa caawimaadda ay ubaahantahay hooyada iyo dhalaankaba.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *