Nin aad dhashay kuma dhalin!

Aqriso Qisada xanuunka badan ee Aabahan ka waramayo…

“Ka dib markii Xaaskeygi geeriyootay, waxay ehelkeyga igu qasbeen inaan guursado. Waxay qorsheeyeen wax kasta, waxayna iigu yeereen inaan imaado Karachi. Halkaa ayaan tegay lana kulmay gabadha la ii doonay. Waxay ahayd garoob balse aan caruur haysan. Guurkeeni ka dib, waxaan ku soo noqonay Rawalpindi si aan ugu noolaano gurigeeni. Waxaan ka Mahadcelinayaa in Alle i siiyay wax kasta Nolosha. Wuxuu i siiyay fursad aan ku soo Xajiyo Aniga & xaaskeygi koowaad, ka dibna waxaan aniga & xaaskeyga labaad cumraysanay laba jeer iyo laba mar oo kale oo aniga keligey ah.

Waxaan ahaa Dhakhtar, wuxuuna Eebe i siiyay xushmad, shaqo wanaagsan, dhaqaale…wax kasta. Laakiin waxaan heystay caruur aan baari ahayn. Waxaan dhalay afar Wiil. Waan u guuriyay, dhamaan, kaydkeygi dhaqaale waxaan ugu iibiyay Guri mid kasta oo ka mid ah si ay ugu ahaato wax ay iyagu leeyihiin. Xitaa waxaan iibiyay gurigeygi aan deganaa. Waxaan u sameeyay wax kasta laakiin hadda waxaan ku jiraa Xero hoy ii ah. Ma doonayo inaan habaaro, balse aad baan uga niyad jabsanahay. Afarti wiil aan wax kasta oo nolosheyda ah u huray korintooda iyo guurkooda, ma jiro mid ka mid ah oo i daryeela ama i soo xiriiriya.”

Alle SWT aduunka ha ku siiyo Sabur, Aakhirana Janno. Waalid kasta Allaha uga dhigo caruurtooda Baari daryeela oo u ixsaan fala.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *