Muhiimmadda iska-warqabka (Self-awareness)

Self-awarenessNin baa yidhi: Ilaahayoow dul-qaad badanidaa, intaa waan ku caasinayaa misna ima ciqaabtid. Waxa la yidhi habeenkii baa haatif la hadlay oo ku yidhi: Immisaan ku ciqaabay misna aanad war u hayn.

Salafku, ogaal ay naftooda u lahaayeen darteed, marka ay gabadhu ku dhego adkaato ama daabaddu u dhego-nuglaan waydo, waxay odhan jireen waan garanayaa halka la iga gaadhay, oo bil ka hor baa dembi noocaasa iga dhacay. Waxay ahaayeen dad ay u xisaabsan yihiin bilo dhan wixii dambi ah ee ka dhacay, halka innagana laga yaabo saacad ka hor shar iyo khayr wixii aan falnay in aynaan war u hayn. In aan war u haynno ciqaabta Eebbe ee ficilladeenna ka dhalanaya, Iyada iska ba daa warkeeda.

Bal nafta toddobaadkii mar iyo labo hala xisaabiyo haddaan maalintii dhowr jeer la xisaabin karin.

— Mubarak Hadi

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *