Midhaha Qoondarka Ama Saliibka: Faaidooyinkooda Iyo Khasaaraha

Waxaan maanta inshaAllah halkan ku sharaxayaa midho yaryar oo buniga ama huruud ah oo la idhaah ( Flax seed) . Soomaalina waxaa lagu idhaah Qoondar ama Saliib. Midhahani waa midho cafimaadka siyaabo badan uugu fiican. Loona isticmaali karo siyaabo kale duwan. Haddaba halkan ka baro midhahan khayr kooda iyo sharkoodaba iyo waliba habka loo isticmaalayo. Midhahani waa midho laga heli karo wadankeena. Haweenka waddankii waxa ay ka sameeyaan midhani xawaash aad u maqaan oo kulayl yar leh, inta ay saloolaan bay waxa ay ku daraan geedo adari oo ah nooc xawaashyada ka mid ah. Waxaa lagu cunaa cuntooyinka sida boorashka, soorta, kariska iwm. Laakiin dariiqa ay u sameeyaan oo ah in ay dab galiyaan ayaa waxa ay ka hortagaan maadooyin geedkan ku jira oo caafimaadka u daran, balse marka dabka la galiyo dhimanaya.

Flaxseed ama Qoondar/Saliib

Waa midhi yaryar oo Allah (swt) waxyaabo badan ku qani yeelay. Haddii si sax ah loo siticmaalana caafimaadka aad uugu fiican.

Maxaa caafimaad ah oo ku jira qoondarka?

– Midhahani waxa ay ku qani yihiin dufanka omega-3 iyo dietary fiber.
– Midhahani waxa ay waxtar wayn u leeyihiin deefshiida.
– Waxaa ku jira midhahan 30-45 % saliid (oil), triglycerides including linoleic, oleic, stearic and palm acid, 10.3% mucins, 30% organic acids and glycosides.
– Waxa ay midhahani daryeelaan dufanka dabeeciga ah ee maqaarka.
– Waxa uu u fiican yahay cholesterol ka. Maadama ay midhahani la dagaalamaan subaga xun LDL, waxayna kor u qaadaan cholesterol ka fiican HDL.
Qorka haysta cholesterol wuu la qaadan karaa dawadiisa, balse waa in uu horta dhakhtarkaagu ogolaadaa. Fadlan ha ku dagdagin arrinka.

Waxay midhahani aad uuga qayb qaataan calool istaaga maadama dietry fiber badan ku jirto. Waxa ay midhahani nuugaan biyaha oo kadibna ay isku badalaan sidii wax gele ama subag oo kale ah. Kadibna waxa ay badiyaan volum ka saxarada ku jirta midhicirada, kadibna wax ay xawli ku kiciyaan dhaqaaqa saxarad (peristalsis).Waxa ay subag oo kale ku noqdaan qoyaanka midhicirada oo ay siiyaan daryeel. Saxaradana way jilciyaan walibana waxa ay ilaaliyaan in saxaradu ku raagto midhicirada. Tani waxa ay dhici kartaa haddii qiyaas sax ah laga qaato si saxna loo isticmaalo iyo waliba biyo kugu filana jidhka la galiyo.

Maxaa caafimaadka u daran oo kujira flaxseed ama qoondarka?

Waxaa midhahan ku jira maado khatar caafimaadka galin karta. Maadaan oo magaceeda la idhaah Cyanogenic glycosides.Ayaa waxa ay isku badashaa Cyanide (HCN) oo ah maado aad khatar uugu ah caafimaadka. Maadadani ma dhalato haddii qiyaas sax ah laga cuno, hadii aan midhaha la burburin iyo haddii midhaha la dubo ama la saloolo inta anaan la cunin ka hor. Madaadani waxa ay keeni kartaa khatar dhimaasho gaadhi karta. Maadama waxyaabah uuga badan ee ay gaysan kartaa uu yahay in qofka neeftu ka xidhanto oo sun badani jidhka ku furanto.

Midhahana waxa ay sababi karaan in dawooyinka awoodooda dhimaan ama dawada ayna horay u shaqayn. Haddii aad tahay qof daawooyin qaata ukala dhaxaysii dawada qaadashadeeda iyo midhacan 6 saacadood si ayna dawada wax uugu dhimin. Dadka qaba cudurada sida macaanka iwm marwalba dhakhtarkooda talada ha ka qaataan, si ayna dawadu u khakhalin.

Astaamaha aad ku garankartid in aad khatar ku jirtid haddii aad si khaldan midhahan u cuntid waxaa ka mid ah:

  • Madax xanuun
  • Neef raag
  • Wareer iyo khalkhal garasho daro
  • Wadnaha oo kabuubyooda
  • In midabka maqaarku buluug oo kale isku badalo
  • Kabuubyo
  • Koomo

Haddii suntan midhahani ay jidhkaaga gasho waxa ay keeni kartaa khatar aad u fara badan oo dhimasho ama xaalad xun sababi karta.

Midhaha flaxseed waxaa ku jira 1 mg hydrogencyanid/gram.

Tani waxa ay ka turjumaysaa in qadar yar oo sida 30 gram uu sababi karo khatar aad u daran haddii sunta cyanide ay dhalato. Suntani waxa ay dhalataa kaliya marka midhaha la daqiijiyo ama la burburiyo oo waliba qiyaas khaldan laga qaato. Hoos ka akhriso habka ugu wacan ee aad u isticmaali karto adoon ku inshaAllah ku sunoobin.

Habka uugu haboon ee loo isticmaali karo midhaha flax seed:

  • Markeeda hore laba qaado ka badan lama isticmaali karo maalintii qofka wayn
  • Ilamaha yaryar ee 2 yrs ka yar lama siin karo
  • Ilama 2 yrs ka wayn ugu badnaan qaado baa maalintii ku filan
  • Midhahan ha tumin
  • Ha ridqin
  • Ha jajabin
  • Sidooda ku cun ama Biyo kuradi oo waxa ay isku badali doonaan gele oo kale, kadibna isticmaal
  • Waad jajabin kartaa waanad salooli kartaa ama dubi kartaa 20 min 90-100 degree ovn ka ama maaqle ku dub. Marka la dubo ee dabka lagu gubo sunta ku jirta ayaa dhimanaysa.. Marka la dubo haddii la ridqo oo budo laga dhigo ama la tumo wax khatar ah maleh maadama dabku gubay suntii ku jirtay.
  • Waxaa lagu darsan karaa cunto nooca aad doontid, xitaa roodhiyaha la dubayo. Muhiimadu waxa weeyi uun in aad raacdid dariiqa saxda ah.

Midhahani waxaa laga tuujiyaa saliid aan wax khatar ah lahayn oo sunta laga saaray. Saliidan sidaad doonto baad u isticmaali kartaa. Waxa ay qani ku tahay dufanka omega-3. Saliidana wax ay aad uugu fiican tahay maqaarka iyo timaha. Flax seed ka waxaa kale oo loo isticmaali karaa qurxinta iyo jilcinta timaha.

Waxay inta badan ku jirtaa dhalo madow ama mugdi ah, sida oliven oil ta oo kale ayaa meel qabow iyo madow la dhigaa. Marka dhalada la furana mudo badan ma ooli karto oo horay ayey anfacaadeedu u xumaataa.

Midhanahani wanaag fara badan iyo khasaaro badan ba way leeyihiin. Khayr kooda Allah ka bari, sharkoodana Allah ka magan gal. Qiyaastana iska taxadar iyo waliba dariiqooyinka loo isticmaalayo. Ogowna shay walba shar iyo kahyrba wuu leeyahay.

Baaraka Allahu fiikum

By: Saamiyah Farah (Umm Cafiifah)

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *