Maxay Raggu ii daba ordayaan?

Gabar ayaa ku tiri Islaan Waayeela oo Waaya arag ah, “Mar kasta waxaan soo jiitaa oo i daba orda niman badan”

Islaanti ayaa ugu jawaabtay,

“Aniguba sidaa ayaan u heysan jiray ilaa aan marki dambe ogaaday in Qiimaha jaban uu soo jiito Macaamiil badan!

Waxaan kaloo ogaaday in aan anigu sabab u ahaa oo Fariin dirayay si la iigu soo yaaco oo aan attention badan u helo; habka aan u socdo, u hadlo, make up fara badan aan isticmaalayay iyo sida aan u labisto oo jirkeyga u soo bandhigo. Waxaa kale oo ogaaday in dhamaan raggaa ay soo jiidatay quruxda banaanka ah iyo sida aan isu ruxi jiray ama isu ja-jabin gira iyaguna ay ii rabeen si ku meel gaar ah oo keliya.

Waxaan xaqiiqsaday in aan xitaa Khilaafayay sidi Alle Quraanka inoogu sheegay oo Gabadha Muslinka ah laga rabo, ee Gabaryahay Qiime Alle ku siiyay habeen Qura ha iska qaadin, Quruxdaada ha iska qaribin, U dhaqan sidi Boqorad markaa waxaad soo jiidaneysaa Boqor”

W/Q: Farah Cawaash beeldaaje

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *