Maxay Khubarada Caafimaadku Ka Sheegeen Cunista Muuska Dusha Sare Ka Madoobaada?

muuska

Muusku waxa uu ka mid yahay khudradda ay dhakhaatiir badan cunisteeda ku taliyaan, kuna sheegaan in dawo looga raadin karo xanuunno door ah, faaidooyin badan oo caafimaadna u leeyahay dhammaan xubnaha jidhkeenna, maadaama oo samayskiisa ay ku jiraan curiyeyaal cunto oo hodan ah iyo faytamiinno muhiim u ah jidhka, sidoo kalana uu aad ugu badan yahay curiyaha Potassium. Laakiin su’aashu waxa ay tahay maxaa ay khubarada caafimaadku ka yidhaahdeen cunista muuska kiisa madowga ku yeesha diirka sare ee ku daboolan.

Inta badan dadka muuska cunaa waxa ay ka siman yihiin fahamka ah in madowga muuska ku samaysma macnihiisu yahay qudhmid iyo in uu khaayisay, sidaa awgeedna aan la cuni karin, saana ay iska tuuraan, laakiin xaqiiqada cilmiga ah ee ay caddeeyeen cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay muujinaysaa in fahamkaasi qaldan yahay. Cilmibaadhisahani waxa ay xaqiijiyeen in boogaha madowga midabkoodu xiga ee muuska ku samaysmaa ay muujinayaan uun in uu bisaylkiisu gaadhay halkii loo baahnaa, mar kasta oo ay ku sii bataanna waxaa sii kordhaya xaddiga maaddada lagu magacaabo TNF ee ku jirta, taas oo u fiican caafimaadka.

Faa’idooyinka caafimaad ee muuska dusha sare ka madoobaada:

Ka hortagga cudurka kansarka:

Maadadda TNF oo ka soo gaabsan ereyada afingiriisiga ee ah Tumor Necrosis Factor oo ah barootiinno kala duwan oo dedejiya dhimashada iyo burburidda unugyada burooyinka keena kansarka. Taas oo marka aynu afka caadiga ah ku sheegno macnaheedu yahay in Muuska madowga yeesha ay ku badan tahay maadadda TNF sidaa awgeed uu burburiyo lana dagaalamo cudurka Kansarka iyo weliba in unugyo aan dabiici ahayn ku dhex samaysmaan jidhkeenna.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa uu intaas ku darayaa in ay tijaabooyin caafimaad oo la sameeyey ay iyaguna muujiyeen in cunista muuska madowga yeeshay iyo in sideedaba uu qofku helo xaddi ku filan oo ah maadadda TNF ay ka hortag u tahay unugyada buro ee kansarka sida, isla markaana xakamayso in ay unugyadaasi koraan oo jidhka ku bataan.

Ka hortagga dhiig yarida:

Cunista muuska aadka u bisil waxay kordhisaa heerka dhiigga cas sidaas darteed wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican ee lagula dagaallamo dhiig yarida, sababtoo ah waxaa ka buuxdo iron.

Ka hortagga nabarrada caloosha,

Muusku waxa uu yareeyaa aashitada caloosha, waxaa uu caawiyaa dejinta laabjeexa iyo ka hortagga gaas calooleedka.

Daawaynta calool istaagga:

Muusku wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada faybar taasoo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana uroon.

Daawaynta niyad jabka:

Muuska waxaa ku jira barootiin loo yaqaano “tryptophan” kaasoo ka qayb qaata soo saarista maadada lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada.

Kobcinta caafimaadka wadnaha:

Muuska aadka u bisil waxaa ku badan maadada potassium, waxaana ku yar sodium-ta, arrintaan oo faa’ido u leh maaraynta dufanka dhiigga iyo ka hortagga dhiig karka. Maadada fiber waxay caawisaa hoos u dhigisa halista xanuunnada wadnaha, maadooyinka iron iyo copper-na waxay kordhiyaan dhiigga. Cunista muuska aadka u bisil waxa uu wanaajiyaa qulqul wareegga dhiigga, waxa uu ka hortagaa wadne xanuunka iyo faaligga (stroke).

Isbedelka niyadda ee xilliga caadada (PMS)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba xanuunka xiliga caadada. Xanuunka ugu badan ayaa laga dareemaa qaybta hoose ee dhabarka iyo naasaha. Dumarka qaarkood ayaa sidoo kale isku arka dibiro, waxaana hoos u dhaca amateetkooda. Xaaladaan ayaa ah mid caadi ah oo aan la xidhiidhin wax xanuun ah. Dumarka intooda badan ayaa sidoo kale lumiya ama ay is badashaa dabeecadooda iyagoo uu ka yaraado dulqaadka. Muuska waxaa ku jiro fitamiin B6 oo oo faaido u leh daaweynta cillada isbedelka niyadda ee caadada ka hor, daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in fitamiin B6-ka uu gacan ka gaysto yaryanta astaamaha xaaladda PMS.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika iyo Shabakadda Boldsky

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *