Maxaa u Dhexeeya Doonis iyo Awood?

Doonista iyo awooddu, waa labo tiir oo aanay la’aantood waxqabadka iyo horumarka aadanuhu taabba-gelin. Hase ahaatee, farqi wayn baa u dhexeeya macno ahaan iyo ahmiyad ahaanba.

Doonistu ama iraadadu, waa go’aan iyo ka go’naansho. Waa hal-adayg iyo dhabar-adayg. Waa awood ruuxeed oo gudaha iyo gunta qofka kasoo go’oda oo ku kallifta in uu dhaqaaqo oo wax qabto.

Awooddu se, waa karti iyo karaan. Waa aqoon iyo ogaal. Waa xirfado, tabo, habab iyo hanaan uu qofku wax ku qaban karo.

Iyamaa sii muhiimsan?

Walow labaduba ay yihiin bu’da iyo dhuuxa waxqabadka iyo horumarka – sidaan kor ku soo tibaaxay, haddana waxaa sii muhiimsan doonista iyo iraadada. Waxa qofka isbaddelka iyo horumarka ka hor istaaga, maaha awood iyo karaan yari, ee waa doonis yari. Qofku haddaanu doonis iyo iraado lahayd, karti iyo karaan kasta oo uu leeyahay waa barkumataal.

Sidoo kale qofka awooddiisa kartiyeed, tiisa aqoomeed iyo tiisa xirfadeedba waa la lasiin karaa oo la bari karaa, laakiin cidna cid kale ma siin karto doonis. Walaa iskuul iyo macallin baan qofka bari karin doonis, walaa aabe iyo hooyaan qofka siin karin, waa wax qofka guntiisa iyo gudihiisa ka yimaadda, hadhowna ku kallifa in uu badaha jeexo, bariga jibaaxo ama buuraha fanto.

Mubarak Hadi

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *