Maxaa Sababa Uurka Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy)?

Ilmaha ku abuurma minka banaankiisa waxaa loo yaqanaa ilma qoolan (Ectopic Pregnancy)

Uurka noocaan ah wuxuu dhacaa marka ukun bacrimisan ay ku dhegto boos aan aheyn booski loogu talogalay oo ah dhinacyada minka.

Uurka caadiga ah waxaa ukunta bacrimisan laga rabaa iney ku dhegto dahaarka gudaha ee ilmo galeenka.

Uurka qoolan wuxuu inta badan ku sameysmaa mid kamid ah tuubooyinka ugxaanta kasoo qaada ugxaan-sidaha. Mararka qaar uurka qoolan wuxuu ku sameysmi karaa ugxaan sidaha laftarkiisa. Uurkujirta iyo dhuunta ilmo galeenka.

Uurka qoolan sida caadiga ah ma ahan uur ku dhamaada guul. Ukunta bacrimisan ma ahan mid badbaadi karta. Uurka sii korayana wuxuu dhaawacaa xubno ka mid ah kuwa taranka. Hadii aan laga gaarin, waxaa halis gali kara nolosha hooyada.

Hadii si dhaqsa ah looga gaaro uurka qoolan waxaa suurta gal ah in hooyada ay mustaqbalka qaado uur caadi ah.

Astaamaha lagu garto ilma qoolan

  • Xiliyada ugu horeeyo uurka qoolan waxaa laga yaabaa inuusan yeelan astaamo lagu garto ama in astaamaha ay kala siman yihiin uurka caadiga ah, sida caadada oo aan imaan,
  • lalabo iyo
  • naasaha oo danqada
  • In kastoo uurka qoolan uusan sii badbaadi karin, hadii aad iska qaadid baaritaanka uurka waxaa soo baxaya inaad lee dahay uur.

Astaamaha kale ee lagu garan karo ilma qoolan waxaa ka mid ah:

  • Dhiig xafiif ah oo ka yimaada hooyada
  • Calool xanuun
  • Xanuun gudaha miskaha laga dareemo
  • Garba xanuun
  • Dareen saxaro soo booddo ah
  • Dhiig bax gudaha ah, hadii ay tuubooyinka minka dilaacaan
  • Madax wareer
  • Suuxdin

Maxaa sababa ilma qoolan?

Uurka ayaa ku sameysma tuubooyinka ugxaanta qaada, hadii ugxaanta ay ku xanibanto gudaha tuubada, sidoo kale waxaa sababi karo hormoonada oo aan isku dheelitirneyn ama ugxaanta oo aan si wanaagsan u korin.

Halista sababi karta uur qoolan

Waxaa lagu qiyaasaa 20 kamid ah 1,000 uur iney noqdaan uur qoolan. Arimaha lala xiriiriyo iney sababaan waxaa ka mid ah

  • Uur qoolan oo hada ka hor ay hooyada qaaday. Waxaa sahlanaanay in ay hooyadu markale qaado ilma qoolan
  • Infekshan ama caabuq.Caabuqa ka dhaca tuubooyinka ilmo galeenka ama infekshan ku dhaca gudaha miskaha iyo infekshanada ka dhasha jabtada iyo kalaamidiyada
  • Dhibaatooyinka uur qaadista iyo qaadashada dawooyinka fududeeya uurka.
  • Qalabka looga hortago uurka ee la geliyo gudaha minka. Waxaa dhif ah in hooyada ay qaado uur, hadiisa ay qaado waxey u badan tahay inuu noqdo uur qoolan.
  • Cabidda sigaarka. Sigaarka ayaa kor u qaada halista keeni karta uurka noocaan oo kale

Dhibaatooyinka ilma qoolan

Hooyada hadii ay lee dahay uur qoolan, oo aan si dhaqsa ah looga gaarin waxaa suurta gal ah iney dilaacdo tuubada qaada ugxaanta, hadii arintaas ay dhacdo waxay keentaa halis nololeed.

Goormaa lala kulmaa dhaqtarka?

Raadi daryeel caafimaad oo degdeg ah hadii aad isku aragtid astaamaha lala xiriiriyo uurka qoolan, sida

  • Calool xanuun aad u daran ama uu wehliyo xanuun laga dareemo gudaha miskaha
  • Madax wareer aad u daran ama suuxdin
  • Garbaha oo ku xanuuna

Uurkaan qaabka lagula tacaalo ayaa ah in hooyada laga qallo ama lasiiyo dawooyin looga soo xaaqayo uurka.

Barocaafimaad

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *