Maxaa Sababa Gawracatada (Diptheria) Sidee Se Looga Hortegi Karaa

Gawracato waa infekshan halis ah oo haleela cunaha iyo sanka, waxayna sababtaa cuno xanuun, qandho, qanjir barar, iyo tabar dari.
Infekshanka sida magaciisaba ka muuqata wuxuu ku caan yahay xaako aad iskugu dhagan taasoo daboolaysa hawa mareenka isla markaana dhib ka dhigaysa neefsashada, iyadoo bukaanku dareemayo in cunihiisa wax lagu jaray.

Xanuunkan wa mid halis wayn leh hadaan si deg deg ah looga dawayn bukaanada uu soo wajaho.

Maxaa sababa Gawracatada:

Bakteeriyada loo yaqaano Corynebacterium Dephtheriae ayaa sabbabta infekshanka gawracatada.
Isku gudbinta infekshankan ayaa ah mid sahlan taasoo keenaysa in dad badan qaadaan cudurka hadii hal qof oo kamid ah bukshadu uu la ildaranyahay gawracatada.
Qaababka la iskugu gudbiyo waxaa kamid ah;

  • Hadii qof qaba cudurkan uu hindhiso ama qufaco wuxuu sii daynayaa jeermis fara badan kaasoo dadka kale ee ka ag dhaw bukaanku ay hawada ka qaadayaan. Qaabka waa kan ugu fudud ee gawracatadu ku faafto siiba meelaha dadka badan ku noolyihiin.
  • Hadii aad isticmaashid maro ama tissue uu bukaan cudurka qabaa horay usoo isticmaalay, ama hadii aad biyo ku cabtay koob aan la dhaqin oo bukaankaas soo isticmaalay.
  • Taabashada ama xirashada dharka qof qaba cudurkaan waa lagu qaadi karaa, balse qodobkaan badanaa ma dhaco.
  • Taabashada boogaha qofka qaba gawracatada ayaa Sidoo kale la iskugu gudbin karaa cudurka.

Waa maxay Calaamadaha lagu garto gawracatada:

Calaamadaha gawracadu waa kuwo si deg deg ah kusoo baxa, 2-5 bari gudahood.

• Xuub adag oo ku dahaarmaya dalqada qofka
• Cuna xanuun
• Codka oo qofka kasoo bixi waaya
• Qanjirada ku yaala surka oo barara
• Neefsashada oo adkaata
• Qandho iyo qar qaryo

Waxaa jira dad badan oo aan calaamadaha gawracatadu kasoo bixin xataa haday cudurka qabaan, dadkaas waxaa loo yaqaanaa cudur sidayaasha qarsoon.

Dadka noocaan oo kale ah oo aan ka war qa qabin inay cudurka qabaan iyo inkale waxay bulshada ku hareeraysan ku yihiin khatar qarsoon, waxayna cudurka qaad siin karaan dad aad u badan.

Gawracatadu waxay leedahay nooc kale oo maqaarka ku dhaca, kasoo sabbaba xanuun, maqaarka oo casaada, iyo barar.

Yaa khatar ugu jira gawracatada:

Dadka khatarta gaarka ah ugu jira inay ku dhacdo gawracatadu waxaa kamid ah;

  • Caruurta iyo dhalinyarada meel dhexaadka ah aan talaalnayn
  • Dadka ku nool meelaha bulshadu aadka ugu badantahay
  • Qof walba oo u safra wadan ama meel khaasa oo cudurkaan ku badanyahay

Cudurkaan inta badan aduunka waa laga dabar gooyay siiba wadamada hormaray, balse waxuu wali ku danbeeyaa wadamada dhaca qaarada afrika, kuwaasoo aan lahayn barnaamijyo caafimaad oo horu marsan.

Tallaalka waa qaabka kaliya ee cudurkaan looga dabar goon karo meelaha uu wali ku haray. Khatarta ugu badan ee cudurkan waxaa wajahaya dadka aan talaalnayn.

Waa maxay dhibaatooyinka kale ee ay gawracatadu u gaysan karto caafimaadka qofka:

  • Neefsashada oo adkaata: bakteeriyadan sabbabta gawracatadu waxay soo daysaa sun dhaawac u gaysata unugyada hawa mareenka siiba kuwa, sanqada iyo sanka. Suntaas waxay meelaha ay haleeshay ku abuuraysaa dahaar adag oo sida xaakada oo kale ah kaasoo ka kooban unugyo dhintay, jeermisyo iyo waxyaalo kale. Hadaba dahaarkaas ayaa xiraya hawa mareenka kana dhigaya neefsashada mid adag.
  • Dhaawac wadnaha soo gaara: sunta ay bakteeriyadan soo daynayso waxay raacaysaa dhiiga, waxayna dhaawac usii gaysanaysaa qaybaha kale ee jirka sida murqaha wadnaha. Ayadoo muruqa wadnaha ka dhigaysa mid caabuqsan.
  • Dhaawac neerbayaasha soo gaara: sunta halista ah ee bakteeryadan soo daynayso waxay kaloo dhaawac u gaysata a neerbayaasha jirka. Sida kuwa dalqada taasoo in cuntada la liqo adkaynaysa, neerbayaasha gacmaha iyo lugaha oo noqda kuwa caabuqsan taasoo socodka ka dhigaysa mid aad u daciif ah.

Hadii aan laga dawayn bukaanka ay haleesho gawracatadu waxuu halis ugu jiraa in qaybta hawa mareenkiisu ay fadhiid noqoto dib danbana u shaqayn waydo.

Sidee looga hortagi karaa gawracata:

Xilli yadii hore dawooyinka qalajiyaasha ayaa ahaa xalka kaliya ee lagula tacaali jiray gawracatada balse maanta saas way ka sahlantahay. Sababtuna maahan in dawooyin fiican loo helay ee waa in tallaal loo sameeyay, taasoo sahal ka dhigtay kahortaga gawracatada.

Tallaalka gawracatada waxaa lagu daraa tallaalada cudurada xiiqdheerta iyo teetanada.

Waa hal tallaal oo lagula dagaalamo saddex cudur. Nooca ugu danbeeyay ee tallaalkan waxaa loo yaqaanaa DTAP  oo loogu tala galay caruurta iyo TDAP oo Dadka waawayn loogu tala galay.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *