Maxaa Keeno Af Urka (Halitosis), Sidee Se Loola Tacaali Karaa?

Af urka ama Neefta oo soo urta waxaa loo yaqaanaa “halitosis” , waana xaalad keeni karta ceeb, mararka qaarna waxay keenta walwal.

Waxyaabaha dukaamada laga heli sida xanjada, afdhaqe, iyo kuwa kale ayaa la isticmaalaa si loola dagaalamo neefta oo soo shiirta, laakin la dagaalan kaas waa mid ku meel gaar ah, sababtoo ah meesha kama saaraan waxa sababay iney neeftu soo shiirto.

Cunooyinka iyo dabeecadaha qaar ayaa ah kuwa sababo neefta oo urto, laakin nasiib wanaag waa kuwa hadii la xakameeyo waxaa hoos udhici kara af urkas. Hadii farsamadaha fudfud ee la sameeyo sida nadaafad joogtada ah, ay wax ka badali weydo, si dhaqsa ah ku gaar xaruun caafimaad si meesha looga saaro in sababta neefta usoo shiireysa ay tahay xaalad caafimaad.

Astaamaha af urka

Urta afka ayaa ah mid kala duwan, waxayna ku xirantahay isha ama waxa sababaayo.

Dadka qaar ayaa aad uga walwala urta afkooda in kastoo ay san laheyn ur badan amaba ur dhan, dadka qaar na ayagoo neeftooda ureyso ayaa laga yaabaa ineysan ka war hayn, sababtoo ah waxaa adag inaad qiimeyn ku sameysid urta neefta kasoo baxaysa afkaaga, waxaa ubaahan tahay inuu kuu xaqiijiyo qof saaxiibkaa ah, qaraabada ama qof aadan dhib u arkeen inuu ogaado.

Goormaa la arkaa dhaqtar?

Hadii neeftaada ay soo ureyso, dib u eegis ku samee dabeecadahaaga nadaafadeed, caday isticmaal kadib marka aad cunteyso, cab biyo badan.

Hadii wali neefta ay soo ureyso adigoo sameeyay is bedel, waxaa la joogaa xiligi aad arki leheed dhaqatarka ilkaha, hadii dhaqtarkaaga uu ka shakiyo iney kadambeeyo urta neefta xaalad caafimad wuxuu kuu diraa inaad aragtid dhaqtar kale.

Maxaa sababo af urka?

Inta ugu badan neefta oo soo urta waxay ka bilaabataa afkaaga, waxaana jira wax yaaba badan oo sababi kara, waxaana ka mid ah.

  • Cunto: burburka cunada oo ku hara ilka iyo aga gaarkooda, waxay kor ukiciyaan bagteeriyada taasoo sababi karta ur, sidoo kale cunooyinka qaar ayaa sababi kara sida basasha, toonta, qudaarta qaar, iyo waxyaabaha lagu carfiyo cunada.
  • Tubaakaada: cabida sigaarka wuxuu sababaa ur xun, tubaakada waxay badanaa sababtaa cudurada kudaha cirridka, waana meelaha urta ay ka dhalato.
  • Nadaafad xumo: hadii aadan cadaysan maalin kasta, xaraaga cuntada ku harta geesaha ilkaha ayaa dhalisa afka oo soo ura, waxayna sabi kartaa jirada ku dhacda ciridka ee loo yaqaano yirid.
  • Afka oo qalalan: candhuufta waxay caawisaa iney nadiifiso afka, ayadoo ka saareysa walxaha keena urta, afka waxa uu qalalaa habeenki xiliga hurdada waxaana ka dhasha afka oo ura subaxdi marka hurdada laga soo kaco, sidoo kale dawooyinka qaar ayaa sababi kara inuu afka qalala, amaba aysan qanjirada soo saarin candhuuf ku filan.
  • Xaaladaha dhuunta: afka oo ura wuxuu ka dhalan karaa quunka oo xanuun sada amaba dhagax gala, sanboorka joogtada ah.
  • Dawooyinka Qaar: qaar kamid ah dawooyinka ayaa sababa afka oo ura waxayna usababaan si dalban.
  • Cudurada qaar: kansarka , iyo xaalada dheef shiidka waxay sababi karaan ur ka duwan kuwa kale oo ay sababaan waxyaabaha kasoo bilaawda afka.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *