Labada Waqti Ee Ugu Wanaagsan Ee Galmada, HABEENKU KUMA JIRO!

isu-tagga lamaanaha isqaba wuxuu xambaarsan yahay faa’idooyin caafimaad oo halkaan lagu soo koobi karin, sida ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ka hortagga xanuunka caadada, xoojinta murqaha kaadi heysta iyo helidda hurdo wanaagsan. Sidoo wuxuu wanaajiyaa niyadda, wuxuuna ka qayb qaataa miisaan dhimista.

Baaritaan lagu sameeyay 1000 qof oo caafimaad qaba, jir ahaanna firfircoon, kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa lagu ogaaday in waqtiga ugu fiican ee galmo la sameeyaa aysan ahayn habeenkii.!

Hadaba waa goorma waqtiga ugu fiican ee galmo la sameeyo?

Sida ay sheegeen xeeldheereyaashu, waqtiyada ugu fiican ee galmo la sameeyaa waa saddexda galabnimo (3 PM). Waqtigaan waa xilliga ugu wanaagsan ee ragga iyo dumanka ee ay u badan tahay inay isle’eg yihiin hormoonnadooda iyo rabitaankooda. Sida aan ognahay, hormoonnadu waxay saamayn wayn ku leeyihiin nolosha galmada iyo dareemada galmada kadib.

Waxaa la aaminsan yahay in galmada waqtigaan ay ragga ka dhigto kuwo niyad ahaan joogga inta lagu guda jiro howshaan. Waxa wanaagsanaada awoodda ninku uu leeyahay inuu diirrada saaro baahiyaha haweeneyda iyo qancinteeda.

Xilliga kale ee ugu fiican ee galmo la sameeyaa waa aroortii, sababtoo ah waa waqtiga uu ugu sarreeyo hormoonka ragga ee testosterone ee jirkoodu uu soo saaro xilliga hurdada.

Daraasad lagu sameeyay wadanka Ingiriiska ayaa shaacisay in lammaanaha isu tagga subaxdii hal saac kadib marka ay soo toosaan ay sare u qaado tayada galmadooda, sababtuna waxay ku sheegeen labo arrimood oo kala ah:

Kow, qofku si wacan ayuu nastay kadib hurdadii fiicnayd ee habeenkii, taas oo hagaajisa awoodda iyo diirrad-saaryaha lammaanaha ee xilliga galmada.

Labo, galmada kadib jirku wuxuu soo soo saaraa hormoonnada “endorphins” kuwaas oo qofka siiya tamar iyo farxad maalinta oo dhan.

Faa’idooyinka caafimaadka ee galmada aroorta hore:

Bal qiyaas xaaladan, waxaad ku soo noqotay guriga kadib maalin shaqo oo dheer, adiga iyo xaaskaaguba aad ayaad u daallan tihiin, inkastoo aad rabtay galmo, haddana maba aadan isku dayin sababtoo ah waxaad dareemaysaa daal badan.

Arrintaan waa mid ku badan lammaanayaasha, waxaana sabab u ah shaqooyinka cadaadiska badan iyo nolosha maanta ee la wada ordayo ee karkabada iyo stress-ka badan.

Tirakoobyada iyo baaritaannaduna waxay muujinayaan in qaar badan oo ka mid ah lammaanayaasha shaqeeya ay galmada habeenkii iskaga dayaan daal awgiis. Hadaba maxaa diidaya in subaxdii loo beddelo?

Daraasidihii u dambeeyay waxa ay tilmaamayaan in galmada aroortii ay faa’idooyin u leedahay caafimaadka. Sii akhri si aad wax badan uga ogaato faa’idooyinkaas.

Rabitaanka galmada oo kordha:

Subaxda hore waa xilli qofku uu dareemayo nashaad iyo firfircooni, qulqulka dhiigga ee xubnaha tarankana waa mid aad u wanaagsan xillagan, sidaas darteed waxaa kordha rabitaanka galmada.

Maqaar ifaya:

Galmada aroortii waxay kordhisaa soo saarista hormoonka “oestrogen”, kaas oo sare u qaadaa caafimaadka iyo dhalaalka maqaarka jirka dumarka.

Caafimaadka wadnaha:

Galmada subaxdii waxay yaraysaa cadaadiska dhiigga. Marka cadaadiska dhiiggu uu joogo heerkiisa dabiiciga ah waxaa hoos u dhaca khatarta wadne qabadka.

Ka hortagga faalligga (stroke):

Galmada subaxda hore waxay hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga, waxay kaloo balaarisaa halbowlayaasha, xinjirowga dhiiggana way ka hortagtaa, sidaas darteed waxay yaraysaa halista faalliga.

Daawaynta niyad jabka:

Galmada aroortii waxay gacan ka gaysataa daawaynta niyad jabka sababtoo ah waxay maskaxdu soo deysaa hormoonka “oxytocin” kaas oo loo yaqaanno “hormoonka farxadda”, oo awood u leh daawaynta niyad jabka.

Xoojinta difaaca jirka:

Galmada subaxda hore waxay awood siisaa difaaca jirka waxayna caawisaa in jirku uu la dagaallamo cudurrada.

Miisaan dhimista:

Galmada aroortii waxay gubtaa kalooriska sidaas darteed waxay caawisaa miisaan dhimista.

Xigasho: Shabakadda Boldsky

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *