La Dagaalanka Caloosha Qeybtii 2-aad

Kulanti wanaagsan, waa qeyb kale oo ka mid ah barnaamijka Cooking With Hafza oo ku saabsan sida caloosha loo yareeyo.

Hafza ayaa manta nala wadaagaysaa talooyin naga caawinaya dhimista miisaanka iyo horumarinta caafimaadkeena guud, waxaana ka mid ah  inaan joogteyno socodka lugta ah, inaynu samayno jimcsiga yoga iyo inaan ku dedaalno  cunista bocorka maadama uu leeyahay waxtar badan oo dhanka caafimaadka ah islamarkaana uu ka mid yahay cuntooyinka caawiya luminta miisaanka jirka.

Faaidooyinka bocorka waxaa ka mid ah:

  • Bocorku waxaa uu hodan ku yahay “Fiber”
  • Bocorku waxaa uu caawiyaa dheefshiidka.
  • Bocorka Waxaa uu ka hortagaa cudurka macaanka nooca 2-aad.
  •  Bocorka ku Jira vitamins horumariya caafimaadka iyo araga indhaha.
  • Bocorka waxaa u wanaaganyahay caafimaadka wadnaha.
  • Sidoo bocorku waxaa uu hoos u dhigaa caabuqa.

Daawasho wacan:

 

Check Also

Haddii Aad Ka Cabanayso Hurdo Xumo, Ku Dedaal Caadooyinkan Wanaajiya Tayada Hurdada

Hurdadu waxay aasaasi u tahay nolosha iyo  caafimaadka qofka. Waxa ay maskaxda ka dhigtaa mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *