Hungo Iyo Niyad Jab Dheh Marka Aad…..

Niyad jab-Marka aad la kulanto dhibaato oo aad garabkaaga ka waydo saaxiib kula wadaaga murugada, kaalana dabaasha masiibada, niyad jab dheh

-Marka eraykasta iyo ficil kasta oo kaa yimaada loo fasirto xumaan, niyad jab dheh

-Marka la dafiro deeqsinimadaada iyo waxtarkaaga, niyad jab dheh

-Marka cimrigaagu tago adiga oo aan inyarna ka gaadhin riyadaadii, niyad jab dheh

-Marka aad si fudud u waydo waxii aad mudada badan ku soo tabcaysay, niyad jab dheh

-Marka uu ku khiyaameeyo qofkii dad kuugu xigay, niyad jab dheh

-Marka aad la kulanto saaxiib aanad mudo arag, xiisana aad u qabtay la kulankiisa balse uu magacaagiiba garanwaayo, niyad jab dheh

-Marka dhabarka lagaa wareemo ee aad ogaato qofka ku dilay inuu yahay ehelkaa, niyad jab dheh

-Marka aad aragto duni qofkaad u jeclayd oo dareenkaaga kalkacal ka maadsanaya, niyad jab dheh

-Marka qofkii aad dunida ugu jeclayd kuu cadeeyo in aanad agtiisa wax qiima ah ku lahayn, niyad jab dheh

-Marka lagugu tuhmo waxa aanad gaysan dadkoo dhamina isugu markhaati furo in aad samaysay, niyad jab dheh

– Marka aad la kulanto Masiibo ama Dhibaato Nafsi ah ee aad garabkaaga ka waydo saaxiib kula wadaaga murugada kalana dabaasha masiibada… Niyad Jab Dheh.

– Marka Erey kasta iyo Ficilka kasta oo kaa yimaada loo fasirto Xumaan… Niyad Jab Dheh.

– Marka la dafiro Deeqsinimadaada iyo waxtarkaaga… Niyad Jab dheh…

– Marka uu cimrigaagu tago adiga oo aan in yarna ka gaadhin Riyadaadii… Niyad Jab Dheh.

– Marka aad si fudud u waydo wixii aad ku soo tacabtay muddada dheer…. Niyad Jab Dheh.

-Marka uu ku khiyaameeyo qofkii dad kuugu xigay… Niyad Jab Dheh.

– Marka aad la kulanto saaxiib aanad muddo arag xiisana aad u qabtay kulankiisa, balse uu magacaagiiba garan waayo… Niyad Jab Dheh.
– Marka dhabarka lagaa wareemo ee aad ogaato in qofka ku dilay uu walaalkaa yahay… Niyad Jab Dheh.

– Marka aad aragto dunida qofkaad u jeclayd oo dareenkaaga kalgacal ka maadsanaya… Niyad Jab Dheh.

– Marka qof aad jeclayd kuu caddeeyo in aanad aqtiisa qiimo ku lahayn… Niyad Jab Dheh.

– Marka laguugu tuhmo wax aanad geysan la isuguna markhaati furay in aad samaysay… Niyad Jab Dheh.

– Markaad aragto fadeexada iyo ceebaynta ka kaa fidiyaa in uu yahay kii dad kuugu dhowaa… Niyad Jab Dheh.

Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *