Hal-Qabsigii Iyo Xikmadihii Dadkii Hore, QEYBTII 2-AAD

xikmad dulqaadka xikmadihii dadkii hore xikmadoQormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xooga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kanafaa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yirri.).

1- Dulqaadku waa geed qaraar oo soo saara miro macaan – Aristotle

2- Kasbo inta aad awoodid, bixi inta aad awoodid, kaydso inta aad awoodid- John Wesley.

3- Qofka aan lahayn mala-awaal ma lahan baadad – Mohamed Ali.

4- U duul dayaxa haddii aad awoodi waydid waxaad dagaysaa xidigaha.

5- Nasiibku waa marka ay kulmaan diyaargarowga iyo fursadu -Earl Nightingale

6- Balan kasta waxa ay leedahay qiime.

7- Lacagtu waxa ay kuu gadi kartaa daawo lakiin kuuma goyso caafimaad.

8- Dad badan ayaa iska dhigaya wax aysan ahayn markaas waxay ilaawan waxay ahaayeen
waxaana dhuma awoodohoodi.

9- Noloshu waxa aay aadka ugu dhowdahay wa dhimashada.” —Alan Harris

10- “markii aad dhalatay, waad ooyday aduunkuna wuu farxay (ehelka), u noolow si
marka aad dhimatid aduunku kuugu ooyo adiguna aad u faraxsanaatid. ” —Cherokee
Expression

11- Waqtigu wuu ku gaabiya kuwa suga,wuu ka dheereeya kuwa ka baqa, wuu ku
dheeryahay kuwa murugooda, wuu ku gaabanyahay kuwa faraxsan, laakiin kuwa jecel
waqtigu wa daa’im.” —Henry Van Dyke

12- Ma joojino ciyaarta marka aan waynaano laakiin waan waynaana sidas darteed waan
joojina ciyaarta.” –George Bernard Shaw

13- Ma badali karno dabaysha lakiin waxaan xajin karna doonta.

14- Macnaha noloshu waa in nolosha macno loo yeelo.” —Ken Hudgins

15- Qofka aan lahayn hadaf waa sida markab aan raadaar lahayn.” —Thomas Carlyle

Wabilaahi towfiiq

Mahadsanidiin

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
Email:abdelrahmangure@gmail.com

Check Also

halkudhegyo, hadalo xikmad leh

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimo

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayoaragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *