Haddii Aad Isku Aragto Astaamahan, Ogow Jidhkaagu Ma Helo Barootiin Ku Filan

Dadka badankoodu waxa ay ogyihiin in barootiintu (protein) ay faa’iido badan u leedahay caafimaadka, laakiin dad badan ayaa aan aad u fahamsanayn sababta faa’iidadaasi. Barootiintu waa curiye muhiim u ah dhismaha unugyada jidhka, waana dhagaxa aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha, muruqyada iyo carjawaha.

Jidhku waxa uu u baahan yahay barootiin si uu u soo saaro dheecaannada iyo hormoonnada, iyo sida oo kale unugyada dareenwadeyaasha. Barootiinta oo jidhka ku yaraataa waxa ay qofka ku keentaa dhibaatooyin waaweyn oo dhinaca caafimaadka ah, waxa aana ka mid ah:

Muruqyada oo dabca

Haddii aanu jidhku helin barootiin ku filan, waxaa dabca muruqyada. Haddii qofku isaga oo aan barootiin ku filan helin, jimicsi sameeyana waxaa dhacda in jidhku uu dib u adeegsado muruqyada si uu uga dhigto shidaal (Barootiin) taasina waxa ay dishaa ama meesha ka saartaa awooddii muruqyada oo dabcan jidhka lagama maarmaan u ah.

Timaha oo khafiif noqda

Haddii aad aragto timahaaga oo aad u khafiif noqday, ciddiyaha oo daciif noqday, ama maqaarka oo ingag badan yeeshay, waxa aad ogaataa in sababtu ay u dhowdahay in jidhku uu tabayo barootiin. Waxa ay khubarada caafimaadka maqaarku caddeeyeen in jidhka oo ay barootiintu ku yaraataa ay keento in uu awoodi kari waayo in uu dib u cusboonaysiiyo unugyadiisa, si ay shaqadoodu si habsami ah ugu qabsadaan.

Milix ama macaan

Barootiintu waxa uu dib dhigaa soo saarista macaanka dhiigga raacaya, sidaa awgeed waxa ay barootiintu caawisaa in in sonkorta dhiiggu ay isu dheellitirnaato. In la raaco nidaam cunto qaadasho oo barootiintu aad ugu yartahay, waxa ay sababtaa in dhaqso uu jidhku sonkor badan ugu sii daayo marinnada dhiigga, taasina waxa ay dad badan ku keentaa in ay jeclaystaan cunista badan ee cuntada milixda ama macaanku ku badan yahay.

Habdhiska difaaca oo taagdarreeya

Sababaha keena xanuunka daciifiya habdhiska difaaca, waxaa ka mid ah barootiinta oo jidhka ku yaraata. Dhammaan ugunyada difaaca ee jidhku waxa ay ka samaysan yihiin barootiin. Haddii uu jidhku waayo barootiin ku filanna, waxaa Meesha ka baxaysa awooddii ay unugyadani u lahaayeen in ay dib isu wanaajiyaan ama in ay tarmaan.

Tashuush maskaxda ku furma

Barootiinta oo jidhka ku yaraataa, waxa ay qofka ka qaaddaa awoodda u fiirsiga iyo feejignaanta ee maskaxda. Dhammaan unugyada dareenwadeyaasha, tusaale ahaan Serotonin iyo Dopamine waxa ay ka samaysan yihiin barootiinno. Haddii Barootiintaasi ay jidhka ku yaraatana waxaa dhacaysa in xaaladda dabeecadeed ee qofku ay xumaato, iyo in uu si muuqda hoos ugu dhaco heerka ama awooddda baraarugsanaanta iyo feejignaanta maskaxda.

Hurdo yaraan

Haddii aad isku aragto hurdo yaraan, inta badan sababtu waxa ay la xidhiidhaa cuntada aad cunto iyo noocyadeeda nafaqo, waxa aanay u badan tahay in dhibtu ay tahay barootiinta oo jidhku uu in ku filan ka waayey. Barootiinta oo jidhka ku yaraataa waxa kale oo ay keentaa Khalkhal ku yimaadda isu dheellitirnaanta hormoonnada, arrintaas ayaana ugu dambaynta keenta in tayada hurdadu ay lunto ama in qofku hurdo uu ka dhergo seexan waayo.

Acsaabta

Haddii uu jidhku barootiin ku filan waayo, waxaa Meesha ka baxaya awooddii uu jidhku u lahaa in uu dib u dhiso hadba nudaha la dhinta ama dhaawac ka soo gaadho hab nololeedka adduun ee daalka iyo dhibta badan. Arrintani waxa ay dad badan ku keentaa in xaaladdooda nafsiga ahi ay fiicnaan weydo iyo in ay diiqad badan dareemaan.

Hilibka xoolaha ayaa ka mid ah meelaha barootiinta ugu tayada badan ee dabiiciga ah laga helo.

Cuntooyinka kale ee hodanka ku ah barootiinta waxaa ka mid ah; beedka, kalluunka, hilibka digaagga, caanaha xoolaha, beerka iyo kilyaha xoolaha, misirta, iyo digirta.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *